Monday, July 29, 2013

waxa maanta magaalada borama si wayn loogu soo dhaweeyay sh.xuseen nuur qalinle oo ah sheekhii ku guulaystay tartankii quraanka ee lagu qabtay dalka sucuudiga+sawiro


Ka dib markii uu kasoo anbabaxay caasimada hargaysa ee jamhuuriyada Somaliland sh.xuseen nuur qalinle oo ah sheekhii ku guulaystay tartanka quraanka kariimka ee lagu qabtay wadanka sucuudi carabiya ayaa waxa u soo galbiyay dhinacan iyo magaalada borama Wafti balaadhan oo u xilsaarnaa soo dhawaynta  sheekha iyadoo  ay ka qayb qaadanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada




Tan iyo xalay ayaa waxa laga dareemayay gudaha magaalada borama udiyaar garowga  soo dhawaynta sheekha.dadwayne tiro badan yaa hareeraha wadooyinka tubnaa manta kuwaasi oo u heelanaa siday ay gacmo furan ugu soo dhawayn lahaayeen.  gaadiid tiro badan ayaa kaga hortagay ilaa iyo degmada dila




Sheekha ayaa markii u soo gaadhay degmada goraya cawl ayaa waxa goobtaasi  uu ugu horayn salaam kalgacal iyo laaba la boobay qaar kamida salaadiinta gobalada awdal iyo salal kadib markii in mudo ah ay salaanta laboobeen dadwayne tiro badan oo halkaasi ku sugnaa




Ayaa waxa sheekha loo soo galbiyay dhinacan iyo magaalada borama waxa soo galbiyay maamulka heer degmo iyo heer gobal ee gobalkan awdal,salaadiin , cuqaal , waxgarad , aqoonyahano clumaa,udiin iyo dadwayne tiro badan. Markii usoo gaadhay gudaha magaalada borama ayaa waxa si wayn usoo dhaweeyay iyaguna dadwayne tiro badan oo  ku sugnaa hareeraha wadooyinka  sheekha ayaa waxa lageeyay masjid ka mida masaajida ku yaala gudaha magaalada borama oo lagu magacaabo(abii hurayra) halkaasi oo loogu qabtay xaflad balaadhan oo lagusoo dhawaynayey shekha . salaada duhur markii uu la tukaday ayaa waxa la gudo galay xaflada iyadoo ay kasoo qayb galeen maamulka heer gobol  iyo heer degmo ,salaadiin,cuqaal,aqoonyahano,culuma udiin , iyo marti sharaf kale.




DAAWO SAWIRADA:








Wariye:mustafe caraale