Friday, July 26, 2013

Muqdisho: Wariye Geeriyooday


Muqdisho(GNA)-Gudoomiyihii naadiga Saxaafada Soomaaliyeed, Eng. Muqtaar Xassan Maxamuud, ayaa waxa uu maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Warta-Nabaada oo uu ku noolaa waayihii danbe.

Wariyaal si aad ah ula socday arintiisa ayaa waxa ay xaqiijiyeen in uu ku dhawaad sanad xanuunsanaa maantana ugu danbeyn uu naftiisa waayay aaskiisan si dhaqsa ah loo sameyn doono, iyada oo aaskiisa ay ku howlanyihiin eheladiisa iyo wariyaal ka aflaxay cilmigii uu wariyaasha barayay inti uu caafimaadka qabay.

Maxamed Cabdi Madaale oo kamid ah wariyaahs Soomaaliyeed kana mid ah ardadii ka aflaxday Naadiga Saxaafada Soomaaliyeed ee Eng Muqtaar uu gudoomiyaha ka ahaa ayaa xaqiijiyay in Eng. uu geeriyooday tobankii barqanimo ee maanta laguna aasi doono gudaha magaalada Muqdisho.

“INAA LILAALI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN. Eng Muqtaar Xassan Maxamuud wuu geeriyooday maanta 10-kii barqanimo. Hada ayeey soctaa qabanqabada aaskiisa. Waxa uu xanuunsanaa 7-ba bilood, maalmihii danbana xaladiisa waa soo xumaaneysay”, Maxamed Cabdi Madaale ayaa sheegay.

Allaha u naxariistee Eng. Muqtaar ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo sanadii 1945-tii, waxa uuna wax baray wariyaal badan oo Soomaaliyeed.
Eng. Muqtaar Xassan Maxamuud waxa uu ifka uga tegay wiil iyo gabar.


INAA LILAALI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.