Friday, July 26, 2013

Somalia: Madaxweyne Xasan Sheikh oo isku shaandheynaya Xukuumaddiisa, Xili uu Mucaaridad waajahayo (Xog)






Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha somaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa la sheegay inuu isku shaandheyn iyo kordhin ku samaynayo Golaha Wasiirada ee xukuumadiisa.




Isbedel lagu sameynayo Golaha Wasiirada ayaa la dhameeyay, iyadoo lagu wado maalmaha soo socda in lagu dhawaaqo Xukuumada cusub oo ka koobnaan doonta tiradii ugu badneyd ee madaxweynuhu magacaabo.




Tirada Wasiiradda ayaa la tibaaxay in laga dhigayo  23-25 xubnood halka ay markii hore ka ahaayeen wax aan ka badayn tobaneeyo wasiir iyo dhawr ku-xigeen iyo Wasiir u dawle, sidaasina waxa Gobanimonews u sheegay Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhadhow Villa Somaliya.





Geesta kale Sida ay sheegtay  Jowhar.com oo soo xiganaysa  ilo wareedyo war galeen ah shaacinta Golaha Wasiiradda ee cusub ayaa Miiska u saran Madaxweyne Xasan oo haatan soo gaba gabeeyay la tashiyada ku saabsan isku shaandheynta Golaha wasiirada, iyadoo maalmihii u dambeeyay uu xooga saarayay is bedelkaas.




Madaxweyna ayaa hore u sheegay isbedel ku samayn doono xukuumadda, taasoo si weyn dhegta loogu taagayay goorta ay iman doonto.
xubnaha ku jira Liiska xukuumadda  qaar la sheegay in loo bandhigay isku-shaandheyntan, iyadoo qaarkood ay  aqbaleen, ayaa la hadal hayaa  inay muuqanaya ayaa la sheegay inuu ka mid yahay C/raxmaan Xoosh Jibriil oo horay wasiirka dastuurka uga soo noqday Xukuumadii Prof. C/wali Gaas, sidoo kale waxa la hadal hayaa in wasiiro kale oo cusubi ku jiraan.




Waxaa la sheegaya in Faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada loo dalaacsiinayo Wasiir buuxa,loona magacaabayo  Wasiirka Qorsheynta, iyadoo ku xigeen u noqonayo Agaasimaha Madaxtooyada Kamaal Guutale.




Wasiirada Wasaarada Horumarinta Adeega Bulshada oo dhowr wasaaraddood  ka kooban Dr. Maryan Qaasim ayaa loo magacaabi doonaa Wasiirka Caafimaadka, halka wasaaradaha kale la kala qaadi doono.




C/kariin Guuleed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa dib u soo laabanaya, oo wasaaradiisa dib boodhka looga jafi doonaa.




Sidoo kale waxa la sheegayaa in Wasiiro iminkan xilal haya ay xilkooda waayi doono, lana soo wado Wasiir kuxigeeno iyo Wasiir dowlayaal cusub, maadaama Wasaaradaha ay yihiin kuwo badan, kadib markii la kala qaaday wasaarado is dul saarnaa oo dhawr ah.




Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibada ahna Raysal-wasaare ku-xigeenka Fowziyo Yuusuf Xaaji aadan ayaa xaqiijiyay inay sii joogi doonto booskeeda laakiin laga hoos-saarayo Waaxda Iskaashiga Caalamiga  ah  laga dhigayo  Wasaarad kale.




si kastaba ha ahaatee isku shaandheyntan oo la filayo ugu dambeyn horaanta Bisha AUGUST, ayaa ku soo beegantay xili ay xukuumaddu Mucaarid gudaha ah iyo eedeymo Qaramada Midoobay uga yimi waajahayso, isla markaana cadaadis badani wali ka haysto xiisada ka oogan Goboladda Jubbooyinka.




Dhawaan ayaa ay magaalada Nairobi ee Kenya koox siyaasiyiin ahi kaga  dhawaaqeen Golaha Bad-baadinta Qaranka, kaasoo ay sameeyeen koox siyaasiyiin ah oo si weyn diidan siyaasadda Madaxweyne xasan sheikh.




Lama saadaalin karo sida ay Isku shaandheyntani daawo uga noqon karto Mucaaridada ku Oogan iyo Khilaafyada kale ee dalka ka jira.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com








Normal
0




false
false
false




EN-US
X-NONE
X-NONE












/* Style Definitions */
table.MsoNormalTable
{mso-style-name:"Table Normal";
mso-tstyle-rowband-size:0;
mso-tstyle-colband-size:0;
mso-style-noshow:yes;
mso-style-priority:99;
mso-style-qformat:yes;
mso-style-parent:"";
mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt;
mso-para-margin-top:0in;
mso-para-margin-right:0in;
mso-para-margin-bottom:10.0pt;
mso-para-margin-left:0in;
line-height:115%;
mso-pagination:widow-orphan;
font-size:11.0pt;
font-family:"Calibri","sans-serif";
mso-ascii-font-family:Calibri;
mso-ascii-theme-font:minor-latin;
mso-fareast-font-family:"Times New Roman";
mso-fareast-theme-font:minor-fareast;
mso-hansi-font-family:Calibri;
mso-hansi-theme-font:minor-latin;}