Tuesday, July 30, 2013

Ma Dooneysaa In Aad Wax Ka Baarto Jaceylka Booqo Darbiga Jaceylka Ee Paris


(GNA) Darbiga wayn ee ku yaala magaalada baaris ee loogu magacdaray darbiga jacaylka ayaa noqday mid ay dadyawga isjecel ee caalamku soo booqdaan iyagoo isku muu jinaya kalgacal badan. Waxaa Jira Maahmaah Ajnabi ah oo leh Hadii aad Doonayso in aad Baarto jaceyl ama aad wax ka ogaato waxaad Tagtaa Magaalada Paris Caasimada Roomantiga Caalamkga ah taasi oo caan ku ah jaceylka iyo sida loo qadarinayo. Waxaaa ka muuqada Magaalada Paris waxyaabaha la xadhiidha jaceylka iyo isu muujinta kalgaceylka iyo jumladaha qurxoon ee lagu doonayo in lagu qanciyo ruux nafta kula qeybsanaya. Hadii aad doonaysid in aad cabirto jumladaha Roomaantiga adiga oo adeegsanaya Luqadaha iyo Lahjadaha kala duwan waa in aad soo boqataa Darbiga Jaceylka ee Kuyaala Magaalada Paris. Darbigaasi ayaa waxaa uu yahay midkii ugu weynaa ee lagu cabirayo Jaceylka waxaana ku dahaadhan oo ku qoran in ka badan 300 oo ah kalmada Waan ku Jeclahay iyada oo lagu sheegayo 300 oo luqadood.
maalintii waxaa soo booqda dad aad u farabadan oo ka kala yimi dunida dacaladeeda
dadka dalinyarada ah ee is jaceli hadii waxyar oo cadha hadii ay soo kala dhex gasho waa in ay soo booqdaan gidaarkaa oo ay xumaantii dhexdooda iskaga saaraan si mardanbe aaney midba nida kale aanu uga iman khalad kala ka xeeya .








 




 




 




 




waxa aad ku ar keysaa magaalada baaris laba qof oo aan maanta oo dhan iyaga uun isku maqan laakiin hareerahooda waxa kadhacaya aanu war u hay kalgacalka ay isku hayaan oowgood waxa ay aaminsan yihiin dadka qaarkii hadii ay soo booqdaan gidaarkaa in ay marlabaad ay jacelkoodii uu qoto dheeraaday oo ay aaminaan in ay xiise ka badan kan ay isku hayeen midka badan ay isku soo qaadeen ama soo jidiidiyeen Roomantiga aad ugu qaalisan naftooda qaar baa u yimaada in ay ar kaan dadkan jacaylaka xad dhaafka isku qaba .
hadaba dawlada farsiiska ayaa aad u soo dhaweysa oo aamin san in hadii dadku kal gacalkooda qiimeeyaan in qofwalba oo aduunka ku nooli uu xasilayo hadii uu helo qofkii nolasha dhabta ah laqeybsan lahaa.




Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com