Saturday, July 27, 2013

SLN: Madaxweyne Siilaanyo oo Abaal Marino kala duwan-guddoonsiiyay Dhalinyaro Kaalmo hore ka gashay Tartan Quraan oo uu Maal-geliyay + sawiro


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa galabta waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ardadyii Tartanka Qur’aanka Kariimka ku guulaysatay Kaalmaha hore ee Koowaad, Labaad, Saddexaad iyo Afraad.




Tartankaasoo Madaxweynuhu maal-geliyay waxa lagu Bixiyay Abaal-marino kala duwan oo Gaadhi ka mid yahay, waxaanu noqonayaa kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Maal-geliyo.




Kulankan oo ahaa mid aan noociisa hore uga dhicin sida ay sheegeen Culimadu waxa uu ahaa mid xaga madaxweynaha ka yimid markii uu u fidiyey Ardaydaa qaaliga ah ee Xiftisan quraanka kariimka ah iyo Culimadii soo qaban qaabisay iyo weliba macalimiintii qiimaha mudnaa ee ardaydaasi xiftisiiyey Qur’aanka.




Ardayga ku guulaystay kaalinta koowaad oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed kana socday Gobolka Sool waxa la gudoonsiyey Gaadhi nooca loo yaqaan Indha-cadaha oo ah Numberkii ugu danbeeyey iyo sidoo kale Lacag iyo Kutub.




Waxa kaalinta labaad ku guulaystay Mahad Cali Xuseen oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa. Oo la gudooon siyey Laptop iyo $1,000 iyo hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin kutub saacado




Waxa sidoo kale kaalinta Saddexaad ku guulaystay  Cabdishaakir Maxamed Axmed oo ka socday Degmada Wajaale waxaanu ku guulaystay Abaal marin ah $800 iyo Mobile Samsung Galaxy 3 ah iyo Hadyado kala duwan  




Halka kaalinta Afraad uu ku guulaystay  Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ka socday Gobolka Togdheer ee Burco waxa uu isna ku Kitaab Tafiil ah $500, Saacad iyo hadyado kala duwan oo kale.




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com