Sunday, July 28, 2013

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo saakay dil toogasho ku fulisay Afar Askari (Sawirro)


Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saakay dil toogasho ku fulisay afar askari, kuwaasoo horay Maxkamadu dil ugu xukuntay, kadib markii ay dilal geysteen.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Col. Liibaan Cali Yarow oo ka hadlay goobta askarta dilka toogasho lagula fuliyay ayaa sheegay inay ahaayeen askar horay dilal u geystay.

Col. Liibaan ayaa sheegay inay jiraan askar kale oo xukuno dil lagu riday, kuwaasoo uu xusay inay dhowaan ku fulin doonaan, waxaana uu uga digay ciidamada inay geystaan falalka dilka ah.

Goobta dilka lagula fulinayay askarta ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Booliska iyo Milateriga oo uu ka mid ahaa Taliyaha Booliska Gobolka banaadir Axmed Xasan Maalin.

Askarta dilka lagu fuliyay ayaa waxaa toogtay askar ku labisneyd dareyska ciidamada booliska iyo milateriga, waxaana gacan ku dhiiglayaashan lagu xiray afar tiir oo lagu toogto dadka dilalka geystay oo ku taal Iskuul Boliisiyo.

Ma ahan markii u horeysay ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ku fuliso, iyadoo tan iyo sanadkii 2011 Maxkamada ay dilal ku fulisay dad isugu jiray askar iyo shacab oo horay dilal u geystay.








 




 




Gobanimonews




Muqdisho Office