Saturday, July 27, 2013

Muqdisho:Wararkii u dambeeyay ee Khasaaraha Qarax ka dhacay Xarunta Shaqaalaha Turikga


Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo galabta lala beegsaday xarun Shaqaalaha Turkiga degan yihiin oo ku taal degmada Hodan, markii gaari waxyaabaa qarxa laga soo buuxiyay uu galay.




Qaraxa ayaa bur buriyay gidaarka hore ee xarunta, iyadoo labada ruux ee la arkay geeridooda uu mid ka mid ah ahaa askari labisnaa dareyska milateriga oo loo maleynayo inuu ka mid ahaa ilaalada Guriga iyo qof kale oo goobta marayay.




Wararka ayaa sheegaya in qasaaraha qaraxa ismiidaaminta ka dhashay uu intaa ka badan yahay, iyadoo ay adag tahay in xog dheeraad ah la helo, maadaama goobta wax ka dhaceen ay ku hareereysan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda.




Gurigan oo ka soo horjeeda Dugsigii sare ee Banaadir ayaa waxaa maalmo ka hor soo degay shaqaalaha Turkiga ee Safaarada Muqdisho, waxaana si gaar ahaan loogu diyaarinayay Safiirka Turkiga ee Muqdisho u fadhiya.




Gawaarida Ambalaaska ee Turkiga leeyahay ayaa goobta dhaawacyo ka daabulayay, waxaana ka mid ah shaqaale Turki ah oo ku sugnaa xarunta weerarka ismiidaaminta lagu qaaday.




Qaraxan oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa ahaa kii labaad oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxii hore uu ahaa gaari walxaha qarxa loogu xiray mas'uuliyiin ka tirsan wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta, kaasoo ku qarxay Isgoyska Sanca.




Turkiga ayaa Muqdisho howlo sama fal oo aad u balaaran, waxaana uu hirgeliyay goobo waxbarasho iyo Caafimaad, iyadoo dhowaan dib u dayactir lagu sameeyay Isbitaalkii Digfeer oo loo muuqaal ekeysiiyay sida Isbitaalada casriga ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office