Tuesday, July 30, 2013

Hargeysa: Nin Ganacsade ahaa oo lagu Dilay Xaafadda Xero-awr


Hargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa waxa lagu dilay Nin Dhalinyaro ah oo meherad ku haystay Xaafadda Xero-awr ee degmada Ibraahim Kood-buur gaar ahaan Suuqa Jaamac Gunti.




Nin la sheegay inuu Maskaxda ka jiranyahay, ayaa Mindi ku dhuftay Maxamed Daahir Aamin oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo Dukaan haystay gelinkii dambe ee Maanta, kaasoo markii nabarku ku dhacay loola carayay Cisbitaalka Guud, inkasta oo la sheegay inay halkaasi naftu kaga baxday.




Goob-joogayaal ayaa Gobanimonews u sheegay in Ninka  Dilka geystay iyo marxuumka dhintay marka hore is-dhaafeen, dabadeedna gacan ka hadal dhex maray.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Bilayska oo sheegaya in la qabtay Ninkii dilka ka geystay iyo in kale, balse goob-joogayaasha ayaa intaa ku daraya inay goobta yimaadeen ciidan Bilays ah oo tiro badan kuwaasoo sida loo malaynayo qabtay qofkii wax dilay.




Warar ayaa sheegaya in ninka wax dilay safar ku yimi Magaalada oo uu ka yimi dhinaca Wajaale, balse war faahfaahsan lagama hayo meesha uu ka yimi iyo sababta uu dilka u geystay.




Bulshada ku nool Xaafadda dilku ka dhacay ayaa argagax ka muujiyay falkan, waxaanay ku tilmaameen mid fool xun oo aan mudooyinkan dambe noociisu ka dhicin Xaafadooda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email:editor@gobanimonews.com