Monday, July 29, 2013

SLN: Madaxweyne Siilaanyo oo Sanadkii labaad Casuumay Qurbo-jooga iyo Marti-qaad uu Caawa u fidiyay


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Caawa marti qaad u fidiyay boqolaal ka mid ah Bulshada Qurbo-jooga ah ee dalka ku nool.




Madaxweynaha ayaa ku marti qaaday Munaasibad balaadhan oo ka socota Hudheelka Maansoor ee Magaalada hargeysa, taasoo ay ka soo qayb-galeen, Madaxweynaha,  badi Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda, Qurbo-joog, xubno ka socda Golayaasha Baarlamanka, asxaabta Qaranka iyo marti sharaf kale oo tiro.




Xubnah madasha fadhiya waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kale oo door ah.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu daqiiqadaha soo socda madashaasi ka soo jeediyo Khudbad la xidhiidha ujeedada marti-qaadka uu u fidiyay dadka qurbaha ka yimi ee waddanka ku sugan.




Munaasibaddan oo ay sidoo kale ka qayb-galeen koox ka socoto fanaaniinta Qaranka, oo halkaasi ku soo bandhigay Riwaayad ku saabsan waddaniyada iyo qiimaha ay leedahay , ayaa si toos ah uga socoto Telefishanka Dawlada.




Maaha markii ugu horaysay ee Madaxweynuhu kulan noocan ah ku casuumo qurbo-joogta, balse sanadkii hore ayaa sidan oo kale xaflad tan la mid ah loogu qabtay Qasriga Madaxtooyada, taasoo madaxweynuhu ku maamuusay dadka dibadaha ka soo laabta xiligan oo kale.




Madaxweynaha ayaa xiligaasi uga waramay Marxalada dalku marayo iyo waxyaabihii u qabsoomay muddadii labada sanadood ahayd ee uu talada hayay, isagoo ku booriyay inaanay ka caajisin Taageerada ay dibadaha uga soo fidiyaan waddanka.




Qurbo-joogta Somaliland ee dibadaha ayaa door weyn ka soo qaatay guushii Xisbiga kulmiye ku hantay hogaaminta waddanka sanadkii 2010, waxaanay dadka arrimaha siyaasada faaqidaa leeyihiin taageeradii uu madaxweynuhu ka helay qurba jooga ayaa dhalisay inuu sanad walba mar munaasibadan oo kale ku sharfo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com