Tuesday, July 30, 2013

Kabtan Casillas: Gareth Bale Waa Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Fiican Yurub.


Kabtanka Real Madrid Iker Casillas ayaa ku tilmaamay Gareth Bale mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Yurub, iyadoo kooxda reer Spain ay diyaar u tahay inay rikoor kale oo suuqa kala iibsiga ku jabiso xiddiga Tottenham.




Waxaa la rumeysan yahay in Tottenham ay soo diiday isbuuc dhamaadkii dalab aad u culus oo Bale u yimid, si kastaba, waxaa la soo warinayaa in Real Madrid ay isku diyaarineyso si kale oo ay ugu dhawaato ciyaaryahanka.




Casillas oo ka hadlayay fasaxa ay Madrid ku joogto Los Angeles ayaa amaan kala duldhacay Bale markii wax laga weydiiyay xiisaha ay kooxda u heyso xiddiga reer Wales.




“Waxaan ka hadleynaa ciyaaryahan ka mid ah seddexda ama afarta ciyaaryahan ee ugu fiican Yurub, waana wax iska caadi ah in isaga laga hadlo sababtoo ah waxa uu ku jiraa xaalad aad u fiican oo ciyaarta ah.” Ayuu Casillas u sheegay suxufiyiinta.




Saxaafada Ingariiska iyo Spain ayaa labadoodaba warinaya in Bale lagu doonayo 120 milyan euros lacag ku dhow taasoo ka dhigeysa mid jabineysa rikoorkii Madrid ay ku soo iibsatay Cristiano Ronaldo 2009kii.




“Qiimihiisa? Waxyaabaha la sheegayo oo dhan waa iska xan, laakiin waxaan ka hadleynaa ciyaaryahan muhim ah oo aad u fiican” ayuu hadalkiisa raaciyay Casillas.




 




 




“Ilaa iyo inta uu suuqa kala iibsiga ka xirmayo, waxaa jirto fursad uu ciyaaryahan halkaan ku imaanayo.”