Friday, July 26, 2013

Muqdisho: Cabsi laga qabo Weeraro Al-shabaab ka fuliso 17 Ramadaan oo ku Beegan Dagaalkii Beder iyo Qaraxyo xalay dhacay


Muqdisho(GNA)-Magaalada Muqdisho ayaa looga cabsi qabaa maanta inay ka dhacaan Qaraxyo iyo Dilal ay geystaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyaga oo ku soo beegaya 17-Bisha Ramadaan oo ah maalintii uu dhacay Dagaalkii Beder.


Al-Shabaab ayaa looga bartay in ay xiliga lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan ay kordhiyaan dagaalada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan  deegaanada iyo Magaalooyinka ay gacanta ku heyso Dowlada Federaalka Soomaaliya.


Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa aad wadnaha farta ugu haya in  Al-Shabaab magaalada ka geystaan Qaraxyo iyo Weeraro kale , dadka ayaana aad u hadal haya cabsida jirta oo ah mid hore dhib looga soo markiyay,maadaama Shabaab looga bartay sanadihii hore xiligan oo kale in ay fuliyaan Weeraro iyo Falal kale oo argagaxiso oo ay ku began 17-da Bisha Ramadaan oo ah maalintii ay Asxaabtu guusha weyn ka gaadheen dagaalkii ay kula jireen Gaalada, oo au qabteen Maxaabiis aad u tiro badan.


Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka feejigan weerarada laga yaabo in Al-Shabaab ka geestaan Magaalada Muqdisho ,waxaana saacadihii la soo dhaafay  lagu arkayay meelo badan oo magaalada ah Ciidamo katirsan Dowlada oo amaanka sugaya kana muuqato feejignaan dheeraad ah.


Maanta oo ah Maalin jimce ah oo dadka inta badan shaqooyinka ay ka nastaan ayay dadku hadal hayaan in Shabaab falal dhibaateeya u geysan doonto.



waxaanay sheegayaan inay ku nagaan doonaan guryahaooda si ay uga bad baadaan hadii ay dhacaan Qaraxyo ama weeraro ay Shabaab Magaalada ka geestaan.



Dhanka kale Kooxo aan la aqoonsan ayaa xalay weeraro Bambaano ah waxa ay ku qaadeen suuq caanaha iyo hilibka lagu iibiyo ee ku yaala Magaalada Muqdisho, kaasoo Khasaare geystay. Goob jooge ayaa sheegay in laba bambaano lagu tuuray Suuq Caanaha iyo Qudaarta lagu iibiyo oo ku yaala agagaarka Saybiyaano ee Degmada Hodan halkaasoo la sheegay xiliga la weeraray in ay dad badan joogeen.


Inta la xaqiijiyay ilaa Shan qof oo shacab ah ayaa dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray Qaraxyadan Bambaano ee suuqa lagu tuura kuwaa oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.


Goob-joogayaasha ayaa intaasi ku daray in markii qaraxyadu dhaceen aanay wax ciidan ah oo halkaasi ka agdhawaajirin  balse lagu weeraray Bambaanooyinkaasi dad shacab ah oo Suuqaasi ku sugnaa.


Tan iyo markii Bisha Barakaysan ee Ramadaan la guda galay Magaalada Muqdisho waxa ku soo  kordhaya Dilalka iyo Qaraxyada ka dhacaya Magaalada iyadoona caawa iyo maanta Magaalada ay ka dhaceen Qaraxyo kala duwan oo dhaliyay Qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.



Gobanimonews



Muqdisho Office



Email: editor@gobanimonews.com