Wednesday, July 31, 2013

Khubarada Bur-Burka’ waa Qeybtii 1-2W/Qoray: Maxamuud Axmad Oday


Akhriste, waxaa lga yaabaa inaad sas ka qaaddo magaca aan u xulay qormadan, haddiise aad samir u yeelato inaad akhrido, waan hubaa in wax kaaga bidhaami doonaan is-waafaqsanaanta magaca iyo qormada.




Hordhac waxaa ii ah, in keli-talisnimadu tahay midda burburisa tiirarka dhaqan-dhaqaale ee bulshadu ku taagan tahay (Madax-dhaqameed-ka, Culimada, Indheer-garad-ka, Ganacsiga, Suugaan-leyda, Dhallin-yarada,....). Si kooban haddaan u idhaahdo, keli-taliye intaa aan hore u soo sheegayba baabi'iyay ayaa ina soo maray. Waa Maxamed Siyaad Barre, cid kasta oo bur-burintii taliskiisii ka qayb-qaadatayna waa ku ammaanan yihiin. Dhanka kale, Maxamed Siyaad Barre Soomaali badan baa u taqaanna Halyey Soomaali mar u kacay, kulamana yaabayo anigu. Haddii aad faah-faahin dheeraad ah u baahan tahayna, Booqo Jaalle Siyaad.Com.




Dhacdooyinkan aan qorayo, oo aan Haddii ALLAH idmo ku salaynayo waxyaabaha aan goob-joogga u ahaa, waa mid aan uga gon-leeyahay in dhallin-yarada had iyo jeer dhuuxooda lagu khammaaraa, ay kaga digtoonaadan dhawaaqyada tooska ah iyo kuwa dadban ee Khubarada Bur-Burka. Dhallin-yaroy, haddii shalay hub la isugu kiin dhiibayay, maantana nac, naxli iyo cuqdad ayaa muuqda in la idin waraabinayo, tiiyoo meel soke oo xaqiiqda ka fog iyo dhalanteed laguu sawirayo. Sawirka shalay hadduu ahaa, ka aad xagga hoose ee qormadan iyo xagga hore ee qormooyinka dambe ugu tegi doonto. Ka maanta lagu tusayaa, waa annagaa haddaanu nahay "Khubarada Bur-Burka" malab keenaynee, halla bannaanbaxo oo magaalooyinka halla bur-buriyo. Darka aad naxliga ka dur-duurataanna, waa qaar ka mid ah mareegaha Af-Soomaaliga qora, oo weliba laga leeyahay Somaliland




Qormooyinkan waxaan ka dhigi doonaa, taxane ku soo baxa Mareegaha jecel inay ka qayb-qaataan baraarujinta dhallin-yarada iyo waayeelka ay seegtay taariikhda dhow ee dalkoodu. Waxaan kaloo rabaa, in guud ahaan bulshadu ka feejignaato qorshayaasha Khubarada Bur-Burka, oo runtii haddii lagala xisaabtami lahaa bur-burradii hore ku didibsan lahaa. Afeef: Khubarada Bur-Burku Ma aha Qolo, Qabiil, Iyo Jilib-toonna.




Anigoo aan daaq-geyn qormada, markaan ku soo gaabsho bur-burradii kala dambeeyay ee ina soo maray, ee aan ka soo bilaabo 1991 iyo sida "Khubarada Bur-Burku" ugu lug lahaayeen, Waxaan u kala qaadayaa sidan soo socota.




Xilligii Madax-weyne C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) "Ilaahay Ha U Naxariisto" Xilligii Madax-weyne Muxamad X-Ibraahim Cigaal. (AHUN) Xilligii Madax-weyne Daahir Rayaale Kaahin. Xilligan Madax-weyne Axmed Muxamad Maxamuud (Siilaanyo)




Xilligii Madax-weyne C/raxmaan Axmed Cali (Tuur). (Allah Ha-U-Naxariisto) 1991-kii Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali, wuxuu magacaabay dawlad kooban oo uu isugu keenay labeentii iyo dadkii muddakar-ka ahaa ee Somaliland u dhashay, ilaa Zaylac ilaa Laas-qoray. Ogow, madaxweyne-ku-xigeenka C/raxmaan-tuur waa Xassan Ciise Jaamac (Guddoomiyaha urur-siyasadeedkii XAQ-SOOR). Tallaabadii kowaad oo madax-weyne C/raxmaan-tuur hindiseheeda lahaa, waxaa uu doonay in ciidamada lagu sameeyo hub-ka-dhigis, oo la hanto qoriga. Marka qoriga la hantona loo gudbo in la sameeyo ciidan qaran. Si ay taasi ugu meel marto, waxaa uu xushay koox ka mid ah saraakiishii SNM oo uu markaa u arkayay inay hawshaas hanan karayaan. Wadanka lacag looguma iman, oo bangiyadu waa haawanayeen. Dadaal badan oo ay gashay dawladdii C/raxmaan-tuur iyadoo kaashanaysa siyaasiyiin iyo wax-garad kale oo Somaliland iyo Somaliyaba u dhashay, waxay soo heleen, oo garoonka dayaaradaha ee Berbera ka soo dejiyeen lacag Shilin Soomaali ah oo dhammayd qiyaasta in ka badan 2 billion, oo ah noodh-ka kunka cas ah. 1.2 bilyan oo lacagtaas ka mid ah dawladii C/raxmaan-tuur waxay ugu talo-gashay in loo isticmaalo hub-ka-dhigis iyo dib-u-dhiska ciidan qaran oo ay Somaliland yeelato. In muddo ah, markii ay wadeen saraakiishii hawsha loo xil-saaray, oo aanay qaban wax la taaban karo, isla markaana aan ciidammadii weli hub-ka-dhigis lagu samayn, lacagtiina aanay wax naf-lihi ka ool, ayaa madax-weyne C/raxmaan-tuur bedelay saraakiishii uu markii hore xushay, wuxuuna xushay isla saraakiil kale oo ka tirsanayd SNM.




Taliyaha Guud ee Ciidamada wuxuu u xushay Xasan yoonis Habbane, Abbaanduulena wuxuu uga dhigay C/laahi Xuseen Iimaan (C/laahi-Darawal). Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal waxaa ay ku bilaabeen hawshii loo xil-saaray si dar-dar iyo daacadnimo ku jirto. Waxaa ay la kulmeen madaxdii fadhiisimada ciidamada Hargeysa deganaa, waxaa ay ku qanciyeen in loo baahan yahay in laga gudbo xaaladdan lagu jiro, oo loo gudbo in ciidan qaran la dhiso. Madaxdii fadhiisimmada ciidamadu waa aq-baleen arrinkaa. Intaa dabadeed, Hargeysa waxay kaga yimaaddeen ciidan nabad-gelyada suga, si aan dhibaato loogu geysan dadka. Waad garan kartaa in budhcadda iyo tuugadu ay ka faa'iidaystaan xilliyada kala guurka ah. Si aanay taasi u dhicin ayaa Hargeysa Ciidankaa Nabad-gelyada loogaga yimi, ciidammad intii kalena waxaa ay u dhaqaajiyeen Berbera, iyadoo ujeeddadu tahay inay ciidanka Berbera joogana qarameeyaan, Berbera ciidan nabad-gelyo u sameeyaan, dabadeedna ay Burco u gudbaan.




Subax ka mid ah bilihii jiilaalka (January ama February) ee 1992, ayaa ciidankii oo geeddi ahi kasoo galay Berbera dhinaca waddada ka timaadda Hargeysa. Subaxdaa anigu waxaan joogaa Berbera. -Haddii aan dib kuu yara celiyo, anigu waxaan ka mid ahay ciidankii SNM ee dalka ka qabsaday faqashta, waxaanaan kasoo qabtay kaalin hogaamineed ciidankaa SNM, Qaybtii 1aad-. Subaxdaa, waxaan arkay noloshayda gaadiid ciidan kii ugu faraha badnaa ee la geeddi-geliyo. Ciidankaa waxaa ka mid ahaa oo aan aad uga xasuustaa, Qaybtii 99aad, Sancaani, 10aad, iyo 11aad. Ciidanka waxaa hogaaminaya oo gaadhiga ugu horreeya saaran, Taliyihii Guud waa Xassan Yoonis Habbane, iyo Abbanduulihiisii waa C/laahi-darawal. Isla markii ay soo gaadheen Berbera, waxa ay ciidankii u leexiyeen xerada loo yaqaanno 'Guuttada', si kale u garan mayside marka aad joogto koontaroolkii hore ee Berbera, oo ahaa halka labada waddo ee Hargeysa iyo Burco ku kala baydhaan marka ay Berebera ka baxaan, ayay xerada 'Guutadu' kaga taallaa laamiga dhinaca Galbeedka, waana dugsiga xabaalaha uu ku aasan yahay Al-marxuum Muxamad Xaaji-Ibraahim Cigaal.




Subaxdii xigtay, Xassan Yoonis iyo C/laahi-darwal waxaa ay la kulmeen madaxdii ciidamda Berbera hore u sii joogay. Waxaa ay ku qanciyeen in si looga baxo faw-dada oo loogu gudbo ciidan qaran, ay ku soo biiraan walaalohoodan halkan maraya sidaana lagu dhiso ciidan qaran. Waa la isku af-gartay sidaas, laakiin qayb ka mid ahayd ciidankii Berebera hore u sii joogay ayuun baa fulisay ballantii. Ciidankii Berbera sii joogay ee aan fulin balantii uu kula ballamay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka iyo abbaanduulihiisa, waxaa loo aanaynayaa in 'Khubarada Bur-Burku' ay iska hor-taageen inay ballantaa fuliyaan. Sidaas oo ay tahay, Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal wakhti ku filan bay siiyeen ciidankii aan fulin ballantii, si ay ugu yimaaddaan walaalahood. Laakiin, taasi may dhicine si deg-deg ah waxaa magaalad Berbera uga bilawday diyaar-garow dagaal oo ay hurinayaan 'Khubarada Bur-burku'.




Subax shanaaddii, waxaa uu amray Xassan Yoonis Habbane in gaadhi makarafoon la saaro, isla markaana lagu war-geliyo gaadiidka hubaysan ee magaalada jooga, iyo ciidamada kala duwaniba inay iska soo xaadiriyaan xerada 'Guutada', muddo 24 saacadood gudahood ah. Kii ku imaan waayana loo aqoonsanayo budhcad iyo fallaago ka horjeedda in C/qaran loo sameeyo Jamhuuriyadda Somaliland.




Habeenkaa magaaladu may seexan, khaasatan ciidankii qaadan waayay taladii loo soo jeediyay. Taa bedelkeedana, walalacda wildhanka lagu diyaarinayo gaadiidka dagaalka, qoryaha lidka diyaarada ah ee cagaha laga jarayo, iyo wiish-ka lalansanaya ee saaraya gaadiidka loo diyaariyay ayaa lagu mashquulsanaa. Waxaa kaloo la sameeyay, oo ay sameeyeen ciidankii talada qaadan waayay inay makarafoonno gaadiid saareen, waxaana cod sare lagu baahinayaa heeso markii hore waddani ahaa, haatanse ganac-jabay oo aan ka garanayo "..........Dhulka Saw Anigu Ma Lihi,..... Ninkii Dhoof Ku Yimibay Geeridu Dhibaysaa......". Gaadiidka heesahan baahinayaa, waxay ku wareegayaan magaalada Berbera gudaheeda, gaar ahaan waxay marba isa sii taagayaan si taxadir leh, agagaarka Hotel Shide-Yare.




Waagii ayaa beryay. Haddaba maxaa dhacay???




Qormadii II
 
Waxay inoo maraysay, Xassan Yoonis Habbane oo wada xaajood badan ka dib, amar ku bixiyay in 24 saacadood gudahood gaadiidka hubaysan iyo ciidamada kala duwan ee magaalada ku sugani ku yimaaddaan xerada ‘Guutada’. Dhanka kale, magaalada waxaa habeenkaa ka taagnaa diyaar-garow dagaal oo af iyo addin-ba leh, oo dhinac keliyihi ku jiro. Heesaha xamaasadda iyo kicinta loo adeegsanayay waxaa ka mid ahaa inta aan ka xasuusto “……..Ninkii dhoof Ku Yimibay Geeridu Dhibaysaa,…….. Dhulka Saw Anigu Ma Lihi,……” Ogow, cidda heesahan loogu dar-daar werinayaa, waa ciidanka ay hogaaminayaan Xassan Yoonis Habbane(AHN) iyo C/laahi Xuseen Iimaan (C/laahi-darawal), oo ah mas’uuliin qaran oo uu u magacaabay madaxweynihii waqtigaa ee Somaliland, Mudane C/raxmaan-tuur inay ciidamada hub-ka dhigis ku sameeyaan. Sidii aan hore idiinku soo sheegayna, ciidankani ma aha mid dhammantii Xassan Yoonis ay isku qolo yihiin, mana aha mid ay C/laahi-darawal isku hayb yihiin. Waagii ayaa beryay! Sidan soo socota ayaanay wax u dhaceen.
 
Taliskii Ciidanka Qaranku, qorshe ay habeenkii sii dhigteen oo aad sir u ahaa, oo ay ugu talo galeen in khasaaraha ugu yari ku dhaci karo ayay fuliyeen. Salaadda subax ka dib, markii nin iyo geed lakala gartay, waddo kasta oo Berbera soo gasha, dacalka ugu dhow ee ay magaalada ka soo gasho, waxaa taagnaa Ciidan Qaran oo ka amar-qaadanaya Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranka oo ah, Taliye Xassan Yoonis Habbane, Abbaanduule C/laahi-darawal, iyo saraakiishii maamulaysay colalka. Magaalada Berberi sidan ay iminka u fidday uma wayna. Haddii aan idiin tilmaamo meelaha ciidanka qaranka la dhigay waa sidan hoose.
 
1. Laba waddo oo xeryaha xoolaha ee Berbera ka soo gala dhinaca Koonfureed, waa dhinaca xaafadda Burco-sheekh, waxaa degay ciidan wata gaadiid aad u hubaysan.
 
2. Waddada Biyo-Guure u baxda oo ah bariga, iyo waddada Batalaale qabatana waxaa fadhiistay laba ciidan oo la mid ah kuwa degay dhinaca Burco-sheekh. Ciidanka bariga degay, magaalada siima dhex-marine, markay ka baxayeen xerada Guutada, waxay isku lug ahaayeen ciidanka Burco-sheekh dhabarkeeda degay. Sidaa ayaa intay magaalada dhinaca koonfureed ka mareen, ayay bari kaga yimaadeen goobahii loo asteeyay.
 
3. Waddada xeebta galbeed qabatana ciidanka waxaa la dhigay jeelka wayn iyo albaabka xoolaha nool ee dekkedda meel u dhaxaysa. Si kale u garan mayside waa xeradii geela Maxamed-cali. Maxamed-cali ma aha jabhadkii magacaa ku can-baxay, ee waa nin kale oo ku can baxay dhaqashada geel madani ah, oo Berbera aad looga yaqaannay isaga iyo geeliisaba.
 
4. Waddada haamaha shidaalka qabata, halka uu yahay guriga loo yaqaanno gurigii Ina-macallin, halkaana waxaa la dhigay ciidan. Ciidankaas waxay isu muuqdaan oo sidaan filayo iskaashi ka dhexeeyaa –haddii aan ciidan arki jiray- ciidankaa kala dhex-degay jeelka wayn iyo albaabka xoolaha nool ee dekkedda.
 
Qorraxdu markay baalka la soo baxday, ee aanay dhulka iska soo jarin, ayaa ciidan ilaa soddomeeyo gaadhi (tekniko) oo qoryo kala jaad-jaad ah ku hubaysani soo dhex-galay magaalada. In yar ka dibna, waxaa bilaabatay rasaas googoos ah oo u badan rasaas yar-yar. Garo oo hawlgalku wuxuu bilawday iyadoo dadweynuhu aanu aad usoo toosin, oo socodku yar yahay. Meheradahana waxaa furan makhaaydaha Geelluhu ka quraacdo iyo hudheelladii ugu horreeyay. Marka horebana dadweynuhu kuma lug laha is-mariwaaga ciidamda ee jira, maxaa yeelay xanaftii ka soo gaadhay dagaalkii ay kula jireen Ciidammadii Siyaad Barre ayaan weli ka bi’in. Markii rasaastu bilaabatay dadka intii magaalada dhex-maraysay waxay kala galeen guryaha. Meheradihiina albaabadaa loo laabay si aan sakati badani ku jirin. Hawl-gal muddo saacad-badhkeed ah socday ka dib, ciidankii qaranku dhammaan waxay gacanta ku dhigeen gaadiidkii ka soo hor-jeeday, iyadoo haba yaraatee aanu jirin khasaare dhimasho. Intaasi markay dhacday ayaa magaaladii dib loo furay.
 
Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso: Sidee ayaanu khasaare dhimasho u dhicin iska-hor-imaad dagaal oo socday muddo nusa-saac ku dhaw? Runtii jawaabta su’aashasi waa laba arrimood. Waa tan kowaade, labada ciidan midna ma doonayn inuu kan kale dilo, maxaa yeelay waxay u badnaayeen walaalo shalay dhinac u wada jeeday, oo xabbad cadaw (Faqash) oo aan u tudhayn wejiga u wada dhigayay. Sidaas darteed bay ku adkayd, inuu nin-ba ninka kale xabbad u quudho. Tan labaad waxay ahayd, in sabab buuran oo ay ku dagaalamaan aanay u muuqan ciidanka Berbera hore u sii joogay, ee aan gaadiidkooda keenin halkii uu kula ballamay Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranku, waa xeradii ‘Guutada’ e. Maxaa yeelay, in kastoo ay xalay dagaal u diyaar-garoobeen, haddana waxay isu miisamayeen waanadii iyo caqli-celintii ay u sameeyeen Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranku oo dhinac ah. Iyo warka ay u sheegayeen ‘Khubarada Bur-Burku’ oo ahaa in la idinku soo duulay oo la idin qabsanayo, Xassan Yoonis-na uu yahay nin aan cidna u tudhayn.
 
Waxaan hubaa in Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal wadnaha farta ku hayeen in khasaare ballaadhani dhaco. Markii hawl-galkii ku dhammaaday dhibaato la’aanna ay nafiseen oo ku faraxsanaayeen.
 
Akhristow, arrinta la yaabka lahayd waxay ahayd, markii gaadiidkii la isugu geeyay xeradii‘Guutada’. Dhawr saacadood ka dib, inamadii iyo gaadiidkii xalay aan joogin xerada ‘Guutadu’, waxay tageen xeradii ‘Guutada’ oo ay joogaan Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal. Taliskii ciidanku waa ay soo dhoweeyeen inamadii, waxa ay u sheegeen in aan cid cid kale ku soo duushay jirin, keliya inay doonayaan inay ciidan qaran abuuraan, iminkana aanu jirin mid idinka mid ah oo dembiile ahaanayaa, oo aad soo gashaan xerada, gaadiidkiinnii dib u fuushaan, aad sidaas kaga mid ahaataan ciidanka la doonayo in dib loo dhiso. Arrintaasi waxay yaab iyo fajaciso ku noqotay inamadii. Sidaas ayay badiba inamadii kaga mid noqdeen ciidankii halkaa degganaa oo ay ku walaaloobeen. Isla duhurnimadiiba waxaa la arkayey iyagoo kuwii saaka iska soo horjeeday, oo isku badhxani raabe-raabe iyagoo lugaynaya u iibsanaya qaad oo wada socda, dibna ugu noqonaya xeradoodii, ama ku wada qayilaya maqaaxiyaha. Waxaad arkaysay, iyagoo kuwii iska soo hor-jeeday sida ay u kala qalbi wanaagsan yihiin, laabta isa saaraya oo isku-ooyaya. Waxaad arkaysay, iyagoo ilaahay ugu mahad-naqaya inaanu dhiig dhexdooda ku daadan. Waxaad arkaysay iyagoo farxad iyo ray-rayn iyo kalsooni ku kaftamaya, oo shaydaanka iska naaraya. Waxaad arkaysay iyagoo ka qoomamoonaya sida ay hoog iyo kugu-dhimay-oo-kaa-dhimay faraha ula geli gaadheen. Intaasi haddii ay guul laba dhinac (win-win) ku dhamaatay, cid bay ku ahayd in Waa Baas u beryay, waa ‘Khubarada Bur-Burka’
 
La soco Qaybta III.
W/Qoray: Maxamuud Axmad Oday