Friday, July 26, 2013

Ciidamada Police ka ee wadanka Kenya ayaa qabtay baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa


Nairobi (GNA) Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay qabteen kartoomo ay ka buuxaan walxaha qarxa oo saarnaa gaadhi ku sii jeeday magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta.
Waxaana ay boolisku sheegeen in shacab halkaas ka agdhawaa ay ku soo wargaliyeen ciidanka inay arkeen gaadhi ay saaranyihiin waxyaabo shaki dhaliyay taasoo keentay inay booliska qaadaan tallaabada lagu soo qabtay kiimakooyin khatar ah oo loogu talagalay in loo adeegsado oo kaliya samaynta miinooyinka loo isticmaalo qaraxyada.
 Patrick Oduma oo ka tirsan saraakiisha ammaanka ee Nairobi ayaa sheegay in ugu yaraan 400 oo xirmo ay ahaayeen kartoomada la qabtay kuwaasoo loo ekaysiiyay kartoomada lagu keeno buugaagta iskuullada.
 Ciidamada dalka Kenya ayaa isla bishaan gudaheeda ku qabtay meel u dhow Wajeer gaadhi isagana lagu soo raray waxyaabaha laga sameeyo miinooyinka loo adeegsado qaraxyada taasoo keentay in sare loo qaado feejignaanta ciidanka guud ahaanba dalka oo dhan.
Dalka Kenya ayaa lala beegsaday qaraxyo is daba joog ah tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen koonfurta waddanka Soomaaliya October 2011.
 Waxaana tan iyo xilligaas ay weeraro ka dhaceen magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya iyo dhammaanba magaalooyinka gobolka waqooyi bari ee Soomaalida oo xad laleh dalka Soomaaliya.




Diyaariye:Askar




Gobanimonews.com