Tuesday, July 30, 2013

Wiil Reer Hargeysa ah oo Mudaharaad ku jiray 3-dii sano ee Kulmiye talada hayay, Timaha iyo Gadhka-na la baxay+ sawiradiisa!






Hargeysa(GNA)-Maxamed Cali Cumar oo ka mid ah Dhalinyarada ku nool Magaalada Hargeysa ee Caasimada somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu timihiisa Xiirin tan iyo markii xukunka waddanka uu la



wareegay Xisbiga Kulmiye, haatan uu gadhka la baxayo.



Ninkan dhalinyarada ah oo sida ka muuqata la baxay Timo-dhaadheer oo kuwa Dumarka oo kale ah, ayaa sheegay in sababta uu timaha ula baxay tahay saluug uu ka qabay xukuumada siilaanyo oo sidii filayay u dhacday, ka dib markii sida uu sheegay waxba iska bedeli waayeen filashadii bulshada, siiba dhalinyarada oo uu sheegay inay sii laban laabeen Tahriibka.








Maxamed Cali oo sida uu sheegay ka mid ahaa Taageerayaashii Xisbigii UDUB ee bur-buray muddo yar ka dib markii Doorashada lagaga guulaystay, ayaa ka mid ahaa boqolaal Dhalinyaro ah oo ka qayb-galay tartankii Doorashooyinka Golayaasha deegaanka, waxaanu ka mid ahaa Musharixiintii ku guul-daraystay loolankii Kuraasta golayaasha Deegaanka.




 “Horta waxaan ahaa xisbigii UDUB ee taladda dalka waayay, waxaana ii muuqatay maalintaasi oo  go’aansaday  in aan timaha la baxo, in aanu Kulmiye ka dhabaynaynin balan qaadkiisii uu halku dhiga wayn ka dhigtay ee ahaa ‘UDUB Tagtee Ha Tahriibin’ kuwasoo ururiyay. Maantana sida idiin muuqata waxaad aragtaa in ay tahriibta dhalinyaradu  sii badatayba oo iska daa inay yaraatee, dhalinyaradu rucub rucub u baxdo maalin walba”, ayuu yidhi Maxamed Cali mar uu la hadlay Warbaahinta.




Maxamed Cali wuxuu intaas sii raaciyay, “Maanta iska daa timaha ee waxaan doonayaa xataa inaan gadhka ku daro si aan u sii xoojiyo mudaharaadkayga”.








 



Talaabadan ayaa ku noqotay dad badan arin la yaableh oo uu sameeyay Mawaadinkani, waxaanay dhalinyaro badan ku dhalinaysaa dareen muujinaya inay ficil u bedelaan tabasho ay ka qabaan xukuumadda xisbiga kulmiye, inkasta oo aanay qaar badan oo ka mid ah Bulshadu u arkaan wiilka isu qabe aan lala qabin oo ay la dhacsanyihiin sida Kulmiye maamulka dalka ku wado,




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com