Tuesday, July 30, 2013

Tababaraha Cusub Ee Barca Oo Dalbaday In Loo Keeno Midkood Shan Daafac Oo Ingariiska Ka Ciyaara.


Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Gerardo Martino ayaa kooxda u gudbiyay liis ay ku qoran yihiin shan daafac oo Premier League ka ciyaarta oo uu doonayo in midkood la keeno Camp Nou xagaagan, sida ay qortay Daily Mail.




Wargeyska ayaa sheegaya in Tata Martino uu la kulmay shalayto agaasimaha kooxda Andoni Zubizarreta isagoo u gudbiyay qorshihiisa suuqa kala iibsiga, waxaana uu dalbaday in loo soo iibiyo midkood Vincent Kompany, David Luiz, Dan Agger, Thomas Vermaelen, Jan Vertonghen ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka cusub bisha soo socota.




Waxaana ay talaabadan ay ruxi doontaa kooxaha waa weyn ee Ingariiska oo ciyaaryahan walba uu muhim ka yahay.




Agger, Luiz iyo Vermaelen ayaa in muddo ah diirada u saarnaa Barcelona, waxaana Liverpool, Chelsea iyo Arsenal ay dagaal adag u geli doonaan inay ceshtaan isbuucyada soo socda.




Barcelona ayaa muhiimadeeda ugu weyn ee suuqa kala iibsiga waxa ay haatan tahay sidii ay ku heli lahaayeen daafac dhexe oo cusub ka dib markii Javier Mascherano iyo Alex Song lagu qasbay inay booskaas ciyaaraan dhaawacyo soo wajahay Gerard Pique iyo Carles Puyol aawadeed.




 




 




Waxa ay doonayeen daafaca kooxda PSG Thiago Silva laakiinse waa ay ku hungoobeen iyadoo daafaca reer Brazil uu heshiis cusub u saxiixay kooxda heysata horyaalka Faransiiska.