Friday, July 26, 2013

SLN: Wasiir Samaale oo isku Amaanay Xilka uu hayo Wasaaradda Maaliyada, xili la Dhaliilayo isaga iyo Xukuumaddiisaba










Hargeysa(GNA)-Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhawaan ka warbixinayay waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradiisa iyo Heerka uu marayo Dakhliga dalku, ayaa isku amaanay xilka uu hayo oo uu tilmaamay in loo baahanyahay in lagu mahadiyo Madaxweynaha u magacaabay.




Samaale ayaa ku dooday inuu ka soo baxay Xilka loo magacaabay, waxaanu intaasi ku daray inaanay jirin habayaraatee Hanti Qaranku leeyahay oo sifo khaldan loo isticmaalay, dhamaana Dakhliga dawlada loo maamulo sidii loogu talo galay ee saxda ahayd.




Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis M. Samaale waxa uu sheegay in Dakhliga dawladu hada cago-cagaynayo 125 Milyan oo laba jibaar iyo badh ka badan halkii ay Xukuumaddii UDUB kagala wareegeen oo ahayd qadar uu ku sheegay 47 milyan.




Samaale oo isku amaanaya xilkiisa waxa uu yidhi “waxaa  mahad celi mudan oo in loo mahad naqo ay tahay madaxweynaha gartay inuu xilkan umadda u magacaabay qof ka soo bixi kara oo daacad ah, waayo in shaqada la qabto oo umadda loo shaqeeyo waxa sabab u ah madaxweynaha I magacaabay ee xilkan culus iigu dhiibay qaranka, markaa isaga ayaa ku amaanan in Dakhliga dalku kordho”ayuu yidhi.




Wasiirka Maaliyada Somaliland oo ka mid ah Ashkhaasta loogu dhaliisha badan xiligan Golaha wasiiradda, laguna eedeeyo inuu Olole uu Guddoomiyenimada xisbiga kulmiye  kaga mashquulay shaqada Wasaaradda, ayaa sidoo kale difaacay in xukuumadda Madaxweyne siilaanyo Musuqmaasuqday Hantida umadda, isagoo ka jawaabaya Eedeymo hore uga yimi dhinaca Asxaabta Mucaaridka ah “Lacagta ka soo baxda Dekedda Berbera Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland wuxuu Digreeto ku soo saaray inay ku dhacdo Khasnada dawlada, degreetadaasoo soo baxday markii Maxamed xaashi Wasaaradda Joogay, Maxjarka Xoolaha isagana dakhliga ka soo xeroodaa wuxuu maraa sifo sharciya oo uu ugu dhacaan Khasnada Qaranka, markaa wax lacag ah oo la leexsadaa haba-yaraatee ma jirto”ayuu yidhi.




Golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo maalmahan dambe shiday siyaasadda waddanka, isla markaana xukuumaddu ku mashquulsantahay sidii ay isagaa difaaci lahayd Eedeymaha uga imanaya, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Jeebada ku shubatay Malaayiin Dhaqaale ah oo ka soo baxa dekeda Berbera iyo Maxjarka Xoolaha laga dhoofiyo ee Magaaladaasi.




Xubnaha Golaha ayaa badhtamihii todobaadkan mar ay hadleen, xukuumadda u soo jeediyay inay iska difaacdo Dhaliilaha ay u soo jeediyeen, balse aanay magacooda iyo ujeedada ay wataan Umadda si kale ugu sawirin “Waxba magacayaga shacbiga ha ugu fasilina si kale ee ka Jawaab Madaxweyne tuugbaad tahaybaanu kugu nidhi oo Hantidii Umadda ayaad dhacdeenoo cadaymaheedii ayaanu haynaaye ka Jawaab, eedahaasi”sidaasi waxa yidhi Mujaahid  Ibraahim Xuseen Dhego-weyne oo ka mid ah Golahaasi.




Xukuumadda Somaliland, ayaa sanadkii 2010-kii muddo kooban ka dib markii ay talada la wareegtay, maamulka dakhliga Dekedda Berbera ka wareejisay Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda.




Xiligaasi waxa la sheegay in lacagta dekedda ka soo baxda si toos ah loo hoos geeyay Aqalka Madaxtooyada, waxaanay taasi muran ka dhex abuurtay Wasiirkii Maaliyada ee wakhtigaasi Maxamed Xaashi Cilmi iyo madaxtooyada oo ay isku maan-dhaafeen wareejinta lacagtaasi.




Ilaa iyo xiligaasi dhaleeceynta looga soo jeedinayo arintaasi madaxweyne siilaanyo way sii kordhaysay, iyadoo aad moodo hada inuu arintaasi sharaxaadeeda iyo qaabka wax u jiraan badka ugu soo baxay Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa wasiirkii Samaale xilka ku wareejiyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com












/* Style Definitions */
table.MsoNormalTable
{mso-style-name:"Table Normal";
mso-tstyle-rowband-size:0;
mso-tstyle-colband-size:0;
mso-style-noshow:yes;
mso-style-priority:99;
mso-style-qformat:yes;
mso-style-parent:"";
mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt;
mso-para-margin-top:0in;
mso-para-margin-right:0in;
mso-para-margin-bottom:10.0pt;
mso-para-margin-left:0in;
line-height:115%;
mso-pagination:widow-orphan;
font-size:11.0pt;
font-family:"Calibri","sans-serif";
mso-ascii-font-family:Calibri;
mso-ascii-theme-font:minor-latin;
mso-fareast-font-family:"Times New Roman";
mso-fareast-theme-font:minor-fareast;
mso-hansi-font-family:Calibri;
mso-hansi-theme-font:minor-latin;}