Monday, July 29, 2013

Jowhar: Hawl-galkii ugu Balaadhnaa oo Saaka Ciidamada AMISOM ka fuliyeen, ka dib Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay


Jowhar(GNA)-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in saaka Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda howl gal gur guri lagu baadhayo ka fuliyeen xaafada Hantiwadaag ee Magaaladasi, iyadoo uu hakad ku jiro dhaq dhaqaaqa ganacsi.




Inkastoo aan la sheegin cid lagu soo qabtay howl galkan, ayaa hadana waxaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu cuslaa ee magaalada soo mara tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM sanadkii hore.




Howl galkan ayaa ka dambeeyay markii kulan todobaadkii hore uu ka dhacay Guriga Gobolka oo ay isugu yimaadeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Gobolka iyo Mas'uuliyiinta Maamulka, kaasoo laga soo saaray in howl galo baaritaano iyo hub ka dhigis la sameeyo.




Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow ayaa goor sii horeysay sheegay in hubka uu gacanta ugu jiro shacabka, isla markaana howl galka la sameynayo uu ku wajahan yahay mid hub ka dhigis ah.




Dagaalo beeleedyo dhowaan ka dhacay deegaano u dhow dhow Jowhar ayaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo maamulka gobolka uu heshiis xabad joojin kala dhex dhigay beelihii dagaalamay.




Ka sokow dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaanada hoos yimaada Jowhar ayaa hadana waxaa jiray weeraro bambaano oo ka dhacay Jowhar, kaasoo lagu bartilmaameedsaday saraakiil ciidan, iyadoo labo bil ka hor la dilay Gudoomiyihii Xaafada Hantiwadaag.




Si kastaba ha ahaatee howl galkan saaka ka dhacay magaalada Jowhar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo xaalada magaalada ay mudooyinkii u dambeeyay aheyd mid degan.




Gobanimonews




Muqdisho Office