Hargeysa(GNA)-Xubno ka mid ah Salaadiinta, Cuqaasha, aqoonyahanka iyo Ganacsatada Beesha Tol-jecle , ayaa qoraal ay soo saareen ku cambaareeyay Eedeymo hore qayb ka mid ah Beeshu u soo jeedisay Xukuumadda, kuna taageereen Golaha wada-tashiga ee dhawaan laga dhawaaqay Hargeysa.
Qoraalkan oo ay ku saxeexanyihiin xubno ka mid ah Madax –dhaqameedka Beeshaasi, ayaa lagu sheegay inay sidoo kale beeshu taageersantahay go’aamadii ka soo baxay shirkii Turkiga ee Somaliland iyo somaliya.
Bayaankan oo ay Beeshu kaga jawaabayso mid ay hore u saareen qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo Dhalinyarada Beeshaasi oo lagu sheegay inay tabasho weyn beeshu ka qabto Saami-qaybsiga Xukuumadda talada haysa oo aan la siin wixii ay xaqa u lahayd iyo saluug siyaasadeed oo ay ka qabaan hogaaminta xukuumadda Madaxweyne siilaanyo, ayaa u dhigan sidan:-
“Waxa beesha toljecle beeninaysaa maqaal ku soo baxay websiteyada madaxbanaan qaarkood oo ahaa inay beesha Ahmed Sheikh Isxaaq “Toljecle” ay taageersan yihiin golaha tashiga toosinta qaranka , beesha toljecle waxa ay aqoonsan tahay oo kaliya inuu dalku leeyahay golayaal qaran oo kale ah Golaha guurtida iyo Golaha barlamaanka iyo Golaha Xukuumada talada haysa waxaanu u sheegaynaa dadka reer somaliland golahaasi khalad yahay uuna baalmarsan yahay shuruucda dalka aanay waxa taageero ah u hayn golahaasi waxa dalka ka jira golayaashaan aan kor ku soo sheeganay ee Somaliland u taliya maanta .
Maadaamo beeshu tahay beesha ugu fac wayn beelaha Somaliland oo degta dhamaan deegaamada soomaliland horena loogu bartay inay deganaasho kula noolaato beelaha Somaliland .
Waxaanu leenahay waxa maqaalkaasi soo qoray qof kaliya oo beesha magaceeda oo dhan canbarayna kuna hadlaya waxaanu leenayah waa waxaba kama jiraan maqaalkaasi .
Waxa ka go,an beesha Ahmed Shiekh Isxaaq Toljecle waxaanay gayn dhaleecaynta Masuuliyiinta Qaranka Sida Golaha Xukuumada iyo Golaha Sharci dajinta iyo Xisbiyada Qaranka .
Waxaanu raaligalin ka bixinayaa hadalkii deelqaafka ahaa ee ku soo baxay maqaalkaasi huwanaa kaasi oo lagu dhaleecaynayey labad wasiir ee kale ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane .Hirsi Haaji Ali Hasan iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Mudane . Cabdicasiis Mahamed Samaale oo aanu leenahay masuuliyiinta xilka qaranka u haysa aniga inagama mudana hadaanu nahay beesha Toljecle aflagaado ee waxa ay inaga mudan yihiin hawsha qaran ee ay qaranka u hayaan inaanu ku taageerno kuna garab istaagno hawsha qaran ee ay umada u hayaan .
Waxaanu u soo jeedinayaa shakhsiyaadka ku hadalaya magaca beesha inaanay matalin , beeshana waxa matala suldaanka guud afka reerkan ku hadli kara .
Beesha Ahmed Shiekh Isxaaq ( Toljecle ) waxa ay la garab taagan tahay Hiil iyo hooba xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwaynaha Ahmed Mahamed Mahamuud (Siiraanyo) .
Sidoo kale waxa ay beeshu soo dhawaynsaa Shirkii wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga qodobadii ka soo baxay oo ay beesha ula muuqato in ay Somaliland guulo muhiim ah ay ka soo hoysay shirkaasi .
Waxa kale oo aanu fariin adag halkan u marinayaa websiteyada iyo media madaxbanaan marka ay arkaan qoraan noocaasi oo kale ah oo uu ku qoran yahay shaqsi kaliya oo ku hadalaya magaca beesha oo dhan sida Suldaanka , Cuqaasha , Aqoonyahanka , Siyaasiyiinta , Ganacsadata , Dhalinyarada , Culuma awdiinka , Waxgaradka ,Haweenka in aanay daabicin ilaa ay hubsadaan warkaasi , hadii kale waxaanu la tiigsan doonaa haayadaha sharciga ee dalka ka jira .
Maqaalkan waxa soo saaray Suldaanka , Cuqaasha , Aqoonyahanka , Siyaasiyiinta , Ganacsadata , Dhalinyarada , Culuma awdiinka , Waxgaradka ,
Suldaanka beesha . Suldaan Ahmed Daahir Muuse
Caaqil Maxamed Aw Cismaan
Caaqil Axmed Ibraahim Bookh
Caaqil Xasan Cismaan Khayre
Caaqil Cabdi Cismaan Ibraahim
Caaqil Abiib Ibraahim Bulaale
Caaqil Axmed Aw ibraahim
Caaqil Axmed Cali Shafeec
Caaqil Cabdi Cumar
Caaqil Jirde xasan waayeel
Caaqil Muumin Diiriye Ardaale
Aqoonyahan .
Aqoonyahan .Cumar Aw Muxumed Nuur
Aqoonyahan . Maxamed Jamac Liibaan
Aqoonyahan. Libaan Abdi Hasan
Aqoonyahan. Mustafe Maxamed Axmed
Aqoonyahan. Hamse Maxamuud Abdilaahi
Aqoonyahan. Maxamed Cabdilaahi
Aqoonyahan. Cabdirisaaq Nuux Jamac
Aqoonyahan. Cabdisalaan Maxamed
Aqoonyahan. Mustafe Daahir Axmed
Aqoonyahan. Abdirahaan Shiekh Daahir
Aqoonyahan. Cabdiraxmaan Ismacil
Aqoonyahan. Mustafe yusuf Daahir
Aqoonyahan. Guleed caydaruus cige
Aqoonyahan. Cabdiraxmaan Cumar
Aqoonyahan . Guleed Ismaciil Muuse
Aqoonyahan. Cabdiramaan cali Maxamed
Aqoonyahan. Yacquub ismaciil Cabdi
Aqoonyahan. Aadan Maxamed Ahmed
Aqoonyahan. Cabdirisaq kayse Cabdilaahi
Aqoonyahan. Cabdilaahi Maxamed Cumar
Siyaasiyiinta
Siyaasi. Pro. Maxamed Daahir Axmed
Siyaasi . Pro. Maxamed Faarax Salin
Siyaasi : Pro . Cabdilaahi Cumar Ibraahim
Siyaasi Cabdirahmaan Yusuf ( Binge)
Siyaasi . Maxamed Cilmi Geedi
Siyaasi . Mowliid Nuur Sidci
Ganacasada
Ganacsade .Axmed yaasin Aw Cismaan
Ganacsade . Daaud Aw Muuse
Ganacsade . Xasan Maxamuud
Ganacsade . Muxumed Macalin
Ganacsade. Siciid Cabdi Sugaal
Ganacsade. Abiib Aw Ibraahim
Ganacsade. Idiris xasan
Ganacsade .Cabdiraxmaan Maxamuud
Ganacsade. Xuseen Faarax
Gudida Dhalinyarada .
Mubarik Caydiid ibraahim
Maxamuud Daahir Axmed
Yacquub Abdilaahi
Yoonis Axmed Yoonis
Deeq Cabdi Cali
Maxamed Siciid Cabdi
Cabdifataax Maxamed Cabdiraxman
Xasan Qawdhan Soomane
Maxamed Axmed
Xamse yusuf cabdi
Alla Mahad Leh