(GNA) Seddex ruux ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhimatay kadib markii dabeylo xoogan ay ku dhigteen koonfurta gobolka Guangdong ee dalka Shiinaha, sida waerbaahinta qaranka dalkaasi ay baahisay maanta.
Dabeylahaan oo horay labo ruux oo kale ugu dilay dalka Taiwan, ayaa ku qasbay dad gaadhaya 20.000 oo ruux inay isaga qaxaan guryahooda, sida wakaalada wararka Xinhua ay baahisay.
Ku dhawaad 300.000 oo shacab ayaa lagu soo waramayaa in loo daad gureeyay bariga dalka Shiinaha, iyadoo laga baqayo inay saameeyaan daadadka iyo dhul dilaaca ka dhacay dhanka koofureed ee dalkaasi Shiinaha.
Dabeylo xogan iyo roobab isbiisaday ayaa ka da’daya dalka Shiinaha, waxaana arintaasi ay sababtay in dadka gaadhaya seddex ruux ay ku dhinteen, sida warbaahinta qaranka maanta laga sii daayay.
Sida wakaalada Xinhua ay daabacday diyaaradaha gurmadka deg dega ayaa loo diray goobaha dabeylaha ka dhacayaan, waxaana deegaano kale oo roobab xoogan ay ka socdaan loo malaynayaa in ku dhawaad 200 ruux ay maqan yihiin ama ay dhinteen.
Ciidamo badan oo kumanaan gaaraya ayaa sidoo kale loo diray deegaanada dhanka koofureed ee dalka Shiinaha.
Galabnimadii sabtida duufaanta ayaa la sheegay inay ka dhacday gobolka Fujian, iyadoo la sheegay in labo ruux dhanka jaziirada ay ku dhinteen, halka inka badan 8.500 ruux loo daad gureeyay dhanka buuraha iyo deegaanda ku dhow.
Gobolada Fujian iyo Zhejiang iyo gobolada kale ee dhanka xeebaha waxaa la joojiyay duulimaadyadii iyo dhaqdhaqaaqii tareenada iyo doomihii kaluumeysiga ilaa xaalada ay caadi kusoo noqoneyso.
Diyaariye:ASKAR
Gobanimonews.com