Tuesday, July 16, 2013

Isra’iil oo markale ku hanjabtay inay weeraro ku qaadi doonaan xukuumada dalka Iran


(GNA) Raisal Wasaaraha Israiil Benjamin Netanyahu ayaa mar kale soo hadal qaaday hanjabaada ah in ay weerari doonaan dowladda quwada weyn ee Iran maadama ayuu yidhi ay dowladda Iran u dhowdahay iney samaysato hubka Nuclearka.




Netanyahu oo wareysi siinayey telefishinka CBS ayaa sheegay in ay muuqato in dowladda Iran ay dar dar xoogleh geliyeen dhismaha bambaano Nuclear ah, isagoo sheegay inay macquul tahay inay Israiil keligeed weerar ku qaado wadanka Iran.




Netanyahu ayaa sheegay in Maraykanka aanu  weli go’aan cad ka qaadan hawsha Iran wado, isagoo markaasi sheegay in laga yaabo in Iran ay hubka Nukliyeerka heli karto muddo todobaadyo ah kadib ah.




Hadalkaan Netanyahu ayaa imaanaya mar kale xili looga digay hore in Israiil marna ayney ku dhaqaaqin dagaal ay ku qaadaan dowladda Iran taas oo lagu sifeeyay inay ka dhalan karto wajiyo cusub oo hor leh taas oo keeni karta dagaalo iyo khasaarooyin qal qal ku ah guud ahaan amaanka Bariga dhexe.




Dhanka kale dowladda cusub ee dhawaan loo doortay dalka Iran ayaan wax war ah kasoo saarin hadalka hanjabaada ah ee kasoo yeedhay Israiil iyadoo xukuumadii hore ee Ahmednajad ay horey u sheegtay inay diyaar u yihiin waji walba oo dagaalo ah ee ka timaada
xaga isra.iil.




Gobanimonews.com