Hargeysaa(GNA)-Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Golaha Wada-tashiga iyo Badbaadinta Qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa u soo jeediyay inay umadda Xaal ka mariyaan go’aanka ay qaateen iyo hadalada ka soo yeedhaya.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu xildhibaan Xariir ku sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo fulisay boqolkiiba lixdan ka mid ah waxyaabihii ay balanqaaday ee horumarinta adeegyada Bulshada iyo siyaasada.
Ugu horayn isagoo ka hadlay aragtidiisa ku aaddan Golahaasi, waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Guddiga Wada tashiga waxa ku jira ragii keenay hadhka Maanta la hadhsanayo, sida Ibraahim Dhego-weyne iyo Maxamed Xaashi .
Waxaan leeyahay anigoo ragan Ixtiraamaya arinkan aad ku dhawaaqdeen wuxuu meel ka dhac ku yahay Halgankii aad soo gasheen, ee aad gooni-isutaaga Somaliland iyo haykalkii dawladeed ee aynu ku dhisanahay sida Dimuquraadiga ah.
Sidaasi daraadeed, waxaan idiin soo jeedin lahaa inaad arinka dadka iyo dalkadib uga xaal marisaan”ayuu intaasi ku daray.
Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale, isagoo ka waramaya waxyaabaha ay xukuumaddu ka fulisay balanqaadyadii ay samaysay waxa uu yidhi “Saaxiibayaal markaynu runta ka hadalno Madaxweynaha maanta talada dalka hayaa waa Guddoomiyihii SNM ee ugu muddada dheeraa wakhtigii SNM jirtay , talada uu hayay amaan iyo sharabuu ku hogaaminayay.
Saaxiibayaal hadalkiina waxa ka mid ahaa Balanqadyaadii uu sameeyay Madaxweynuhu muu fulin, balan-qaadyadii sameeyay waxa ka mid ahaa Mushaharka Askarta iyo Shaqaalaha kale ee dawlada oo uu kordhiyay Boqolkiiba Boqol (100%), taasoo ah balanqaad uu fuliyay, ahaydna go’aan qaadasho geesinimo leh, waayo Dawladaha Dhaqaalaha leh ayaanay ka suurto gelin inay shaqaalaha mushaharka u kordhiyaan 100%”.
Waxa uu intaasi ku daray “Dhamaan Dugsiyada dawlada ee Hoose dhexe oo uu ka dhigay bilaash, horumarinta adeegyada Bulshada , sida Caafimaadka, Waxbarashada, wadooyinka iyo Biyaha, iyagana boqolkiiba lixdan way fushay, iyadoo madaxweynuhu ku guulaystay in ilaha Biyaha macaan ah laga helo meelo badan ooh ore looga waayay, sida Gobolka Maroodi-jeex oo kale iyo degmooyin ka mid ah gobolka Sanaag.
Furitaankii Ururadda Siyaasada oo ka mid ahayd balanqaadyadii uu madaxweynuhu galay iyana way fushay, lacag ka bedelkii Burco oo ku jirtay balanqaadyadii uu galay waa la fuliyay iyadana.”
Ugu dambeyn Xariir Siciid Bullaale waxa uu soo jeediyay in la Ixtiraamo Madaxweynaha Umaddu dooratay “Hadaba waxaan maanta arkayaa Madaxweynihii afaraad ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sida loola dhaqmayo, kaynu dooranaaba wuxuu ka soo jeeda Beelaha dalkeena , laakiinse mar hadii aan cidi nabad-gelinayn aniga Caqligaygu wuxuu soo jeedinayaa aynu Madaxweyne kale ka doonano Dunida.”
Gobanimonews
Hargeysa Office