Monday, July 15, 2013

Guddoomiyaha Xusbul Islaam Oo Xaaladda Guud Ee Dalku Maraayo Iyo Ururka Dhawaan Lagu Dhawaaqay Ee Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Ka Hadlay


 




Guddoomiyaha Urur Diimeedka Xusbulah Oo Ka Hadlay Xaaladda Guud Ee Dalka Beelaha Shir Beeleedka Ku Mashquulsana Ugu Baaqay Inay Ka Waan Toobaan, Diinta Alle-Na Ka Shaqeeyaan




 








 




 




Guddoomiyaha urur Diimeedka Xusbulah Sheikh Maxamuud Cabdilaahi Geele ayaa Shir Jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay Xaaladda dalku maraayo uu ku soo qaaday ururka dhawaan dalka lagaga dhawaaqay ee Wada Tashiga iyo Toosinta loogu magac daray iyo arimo ay ka mid yihiin,Aafadda Tahriibka,Shirbeeleedka.




Guddoomiyaha urur Diimeedka Xusbulah Sheikh Maxamuud Cabdilaahi Geele ayaa Shir Jaraa’id uu Maanta magaaladda hargeysa ku qabtay kagaga hadlay arimo ay ka mid ahaayeen Xaaladda guud ee dalku maraayo iyo Golahii dhawaan hargeysa lagaga dhawaaqay ee halkudhiga looga dhigay golaha Wada tashiga iyo Toosinta Xukuumadda,waxana sido kale uu sheikh maxamuud ka hadlay Aafada Tahriibta,Shirbeeleedyada iyo Ciidamadda RRU-da.




Guddoomiyaha urur Diimeedka Xusbulah Sheikh Maxamuud Cabdilaahi Geele oo ugu horeyn ka hadlaayay Xaaladda guud ee dalka waxa uu yidhi “Waxa aan jeclahay in aan ka hadlo arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dhibaatadda Tahriibka ama aafadda Tahriibka oo barbaartii iyo ubaxii dalka ee dhalinyartu uu tahriibkaasi ku dhamaaday,waxa kale oo jirta Mushaakilka muuqda  beeleedyo Somaliland gaar  ahaan Dildilaaca ku yimid Beesha Isaaq oo iyagu noqday qaar Shirbeeleedyo dib ugu noqda,marka waxa aan baaq u dirayaa Beesha isaaq waxa aan maalmahan maqlayaa Shir beeleedyo la leeyahay beel hebel ayaa Shir beeleed qabsanaysa waar Shir beeleedka iska daaya waad og tihiin in aanu faa’iido lahayne oo diinta oo la qaato ay horumarka iyo barwaaqadu ay ku jirto taas,mida kale waxa aan idin leeyahay waar miyaa la waayay Beel tidhaahda dalka diin halagu xukumo, ,waxyaabaha kale ee dhibaatada ee jira waxa ka mid ah dhibaatadda shaqo la’aanta iyo dhaqaalo xumadda dalka ka jirta oo iyaduna saamaynteeda leh, waxana kale oo jirta Wasiiro kolba laysku kala bedbedelo oo aan waxba ku kala duwanayn oo wax aliyaala wax ay soo kordhinayaan aanay jirin.




Sheikh Maxamuud Cabdilaahi Geele oo ka hadlaayay golaha wada tashiga oo dhawaan dalka lagaga dhawaaqay waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan jeclahay in aan ka hadlo golaha ay ugu magacdareen golaha wada tashiga iyo Toosinta,horta waxa aan leeyahay waar golaha wada tashigoow ma idinka ayuunba isdoortay oo umadii idindooratay anigu aragtidayda waxa aan idiin arka Niman Kursiga looga dheereeyay oo umadduna Qof qof ayay idiin taqaana waxa aad gashaan iyo waxa aad gudaanba,umaddana waxa aan u sheegayaa in aanay jirin wax ay soo kordhin karaan nimankani oo hadii aad moodo in aan iska duraayo nimankan isku magacaabay golaha wada tashiga waa loo wada joogi wixii ay soo kordhiyaan bal”




Guddoomiyaha Xusbulah waxa uu intaas raaciyay“Cidii ay amniga ka sugaayeen ee ayku seexanlahaayeen hadii ay amnigooda khalkhalgeliso waa wax laga xumaado mida kale sida aynu ognahay Caalamka waxa ka jira Saddex Ciidan oo kaliya oo kala ah Ciidanka Milatariga,Ciidanka Buleeyska iyo Ciidanka Bada ma jira Ciidan Afraad,runtiina Ciidanka RRU-du maaha mid halkan(Somaliland)uu ka jira ee waxa uu ka jiraa Majeerteeniya iyo Koonfurtaba isaga oo magacyo kala duwan leh waanan naqaana cida Maalgelisa cida maamusha iyo Cida Hubka siisaba waanan sheegidoona hadii ALLE idmo marka ay ku haboonaato”




Wariye Mr Hudle




Email:Shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@Gmail.com/Hargeysa Head Office/Somaliland