Monday, July 15, 2013

Somaliland:Dhirtii waa Gabaabsi, Dhulkuna waa xaaluf 90% oo Waa laga Guuray, Xalna Looma hayo”.






Hargeysa(GNA)-Wasaaradda horumarinta Reer Guuraaga iyo Ilaalinta Deegaanka somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Mustaqbal Madow uu Waajahayo Dhul-daaqsimeedka iyo Deegaanka Somaliland.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa ka dayriyay Xaaladda Deegaamada dhul Daaqsimeenka ah ee waddanka oo uu sheegay in Xaalufkii ugu darnaa soo food saarayo marba marka ka dambeysa.




Maxamed Faarax Xirsi oo Maanta Warbaahinta u Waramay, waxa uu sheegay in Shidista Dhirta qoyan iyo kuwa Qalaalan oo aan loo aabbo yeelayn iyo Oodashada Sharci darada ah ee Dhul Daaqsimeedku Masiimo ku tahay jiritaanka Deegaanka Somaliland.




Agaasimaha oo ugu horayn ka warbixinaya Duruufaha ku habsaday Deegaanka iyo ilaa hada Wasaarad ahaan waxay talaabo qaadeen si wax looga qabto Nabaad guurka iyo Xaalufka Deegaanka waxa uu yidhi “Wasaaraddu Itaal kasta oo ay leedahay waxay doonaysaa inay wax ka qabato dhibaatada deegaanka lagu hayo, dhibaatadaasoo aanay wax ka qabashadeedu Wasaaradda oo qudha Khusayne  loo baahanyahay in qof waliba halka uu joogo wax kaga qabto.




Iminka dhibaatooyinka ugu weyn ee Deegaanka haystaa waa laba arimood, oo kala ah, tan Dhulkii Xooluhu Daaqayeen sida sharci darada ah bina-aadamka ku nooli u kala ooteen iyagu, taasoo inta badan Rabshado iyo dhibaatooyin ka taagan yihiin, qodobka labaadna waxa weeye Shidaalkaa Dhuxusha ah ee aynu shidano oo ah dhibaatada ugu weyn, taasoo laga dhido Dhirta, iyadoo aan dee laga maarmayn dhuxushii oo aanay jirin Tamar kale oo la shitaa.”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Iminka  waa iska Gabaabsi dhirtii siday u muuqato, oo waa laga Guuray kuwii ka dhuxulaysan jirayna way ka guureen, kuwii Xoolaha lahaa ee degenaana way ka guureen, markaa meel-meesha wax ku sii hadheen ayaa maanta dadkii isku hor-fadhiyaan oo arintaasina waa dhibaato weyn, Dhul nabad-galayna dee wuu jiraa oo dadkii degenaa ay iyagu ilaashadeen oo ay Xeer samaysteen annaguna wasaarad ahaan aanu ku garab galno”




Laakiinse boqolkiiba todobaatan Dhulkii waa sidaa aan shegay oo waa Xaaluf, Wasaaradduna halkii qaylo ka timaado intii itaalkayaga ah waxbaanu ka qabanaa, laakiinse muhiimaddu waxa weeye dadka Dhulka leh ee degeni hadaanay Ilaashan cidina ilaalin kari mayso, waayo Wasaaradda waxa ka hawl-gala 193 qof, markaa agaasime ama Wasiir Xafiis joogaa geedka Badhan lagu garaacayo ama Ceerigaabo lagu goyanayo dee wakhtigu gaadhaa dhib  loo dheer, laakiinse Ninka Inaadeerkii ah ee ag fadhiya inuu ka qabto ayay waajib ku tahay, markaa arintaa goynta dhirtu waa dhibaato weyn, oo ay nabad-gelyo daro ka dhalato oo ay dadku iskaga horyimaadaan”.




Maxamed Faarax Xirsi  waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda Wasaaradda ee ku aaddan Ilaalinta Deegaanka, waxa uu sheegay.“Siyaasada wasaaraddu waxa weeye in la Ilaaliyo Deegaanka, Guddiyo waxa jira ka jira dalka oo dhan oo ka shaqeeya Ilaalinta Deegaanka, laakiinse Guddiyadaasi waxa ka badan dadka deegaanka degen, dadkaasi hadaanay Ixtiraamayn Guddiyada waxba ma hagaagayaan, hadaan ka soo qaado Tuulooyinka dalka, tuulo aanan Guddi ka samayni ma jirto, tuulooyinka qaarbaa Xeerar samaystay, xeerarkaasoo ay ku xukumaan qofka geed jara, iyadoo lagu ganaaxayo ama xoolihiisa badh laga jarayo, Dhul badan oo Guddidii aanu samaynay aanay shaqaynina way jirtaa”.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Reer Guuraaga iyo Ilaalinta deegaanka Somaliland waxa uu ugu dambeyn Bulshaad u soo jeediyay si xal loogu gelo xaaladan inay dadku Isticmaalaan Shooladaha wax lagu Karsado. “Dhuxushii laga maarmi maayee waa la shidanayaa, waxaanay dhirta la shidaa ku baxdaa boqolkiiba sagaashan ku baxdaa Goboladda waaweyn ee dalka, markaa waxaanu dadka u gudbinaynaa Shooladihii way yaalaan, gaastiina way taalaa, waliba waa Gaastii dadku fowniisyada ku shidan jireen, qiime ahaana marka laysku qiyaaso boqolkiiba afartan ayay gaastaasi ka jabantahay Dhuxusha, kana dhakhso badantahay xaga wax karinta, markaa dadku Ilaahay haka yaabaan oo dhirta ha nabad-geliyaan oo Shooladaha ha isticmaalaan”.ayuu yidhi.




Si kastaba ha ahaatee qaylo dhaantan ka soo yeedhaysa Wasaaradda deegaanka oo aan ahayn tii ugu horaysay ee lagaga hadlayo Dhibaatada deegaanka lagu hayo , ayaa ku soo beegantay xili dhawaan Wasaaraddaasi loo magacaabay madaxii Hay’ada Bad-baadinta Deegaanka ee Candlelight, Shugri Xaaji Baandere oo ah masuul waayo arag u ah waajahaada qorshe wax lagaga qabanayo Xaalufinta Dhulka lagu hayo.