Tuesday, July 16, 2013

Xassan Dahir Aweys ‘’Bixinta Xogta Alshabaab iyo isa soo dhiibideyda waxa ay kala yihiin laba Arrin’’


(GNA) Hoggaamiyihii hore ee Meylka adkaa ee Xisbul-Islaam Xassan Dahir Aweys oo iminka u xidhan Sirdoonka Somalia iyo kuwa reer Galbeedka, ayaa waxa uu sheegay in Ujeedka uu isugu soo dhiibay Xukuumadda Somalia ay tahay in la bad-baadiyo naftiisa balse aaney  aheyn in laga aruuriyo Xog iyo Macluumaad ku aadan Kooxda Alshabaab.




Mid kamid ah Nabadoonada u Ololeyneysa Arrinta Xassan Dahir Aweys, ayaa waxa uu Shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyay in Xassan Dahir Aweys uu yahay Shaqsi meyl adag oo ka biya diidan in uu si toos ah ula hadlo Madaxda sare Xukuumadda Somalia kana tanaasulo Fakirka Alshabaab.




Waxa uu sheegay in Xassan Dahir uu Xukuumadda iyo Sirdoonka ka codsaday inay kala qaado Arrinka isa soo dhiibida iyo bixin laga sugaayo inuu bixiyo Macluumaadka Kooxda Alshabaab.




‘’Xassan Dahir waa shaqsi ad adag waxa uu weli diidan yahay inuu meel la fadhiisto Madaxda sare ee Xukuumadda Somalia, waxa uuna ka biya diidan yahay inuu fududeeyo waxyaabaha looga baahan yahay, waxa uuna ku adkeysanayaa in Dowladda ay kala qaado Macluumaadka iyo isa soo dhiibidiisa’’.




Dhanka kale, Wadaadka xagjirka Xassan dahir Aweys ayaa waxa uu wacad ku maray inuusan bixin doonin wax macluumaad ah, isla markaana Ogolaan doonin in la siiyo wax daawooyin ah markii laga reebo kuwa uu siinaayo walaalkiisa oo ku howlan Caafimaadka Xassan Dahir.




Ugu dambeyntii, Wadaadka ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia ay ka talaabtay Heshiiskii lagu keenay Magaalladda Muqdisho, isagoona sheegay Fakirkiisa uusan ka tanaasuli doonin.