Tuesday, July 16, 2013

Garabka Haweenka Xisbiga UCID Oo Jawaab kulul ka Bixiyey eedayn ay dhawaan Ay Ujeedisay Madaxa Samalka Madaxtooyadu Faadumo Siciid Oo Ka Tirsan Xisbiga UCID


Garabka Haweenka Xisbiga UCID Oo  Jawaab kulul ka Bixiyey eedayn ay dhawaan Ay Ujeedisay  Madaxa Samalka Madaxtooyadu Faadumo Siciid Oo Ka Tirsan Xisbiga UCID




Shir Jaraa’id(Gobanimonews)15-7-2013’oo Xalay ay qabteen Garabka Haweenka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa ay kaga jawaab bixiyeen Eedaymo ay u soo jeedisay Maareeyaha Xafiiska Sama falka ee Madaxtooyda marwo Aamina Maxamuud Caydiid oo Eedaymo Culus u soo jeedisay Faadumo Siciid oo ka tirsan Xisbiga UCID.




Shirka Jaraa”id ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadashay  Afhayeenka Garabka Haween ka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Hodan Abdi Ali Waxay sheegtay  eedaynta ay u jeedisay  Madax Sama Falku Faadumo Siciid in ayna eedaasi lahayn isla markaana ay u qalmin in la ceebeeyo ,waxayna Afhayeenka Garabka Haween ka ee Xisbiga  Ucid Tilamaamtay in ayna Qaranka Somaliland ka galabsan ceeb iyo dhaleecayn




Halkan Waxaan kala hadlayaa Dowlada Kulmiye Kolay Micaarid uma Baahna oo iyadaa Mucaarid iskugu filane”Ceebta ninkii leh ayaa iska diiday faadumo siciidna Ceeb ayna lahayn qaadan mayso”Aaminana waxaan leeyahay aduu howlahaaga maadaa ka Badinayaba “faaduma siciidna gaadhi Maysid oo Taariikhda ayaa idin kala qoreysa Waxaad tahayna waa la yaqaanaa “Waxay faadumo siciid qaranka u qabateyna Xukuumada dhan ee Kulmiye May qaban oo faadumo siciid ayaa isku dhaanta “Tan aad leedahay SNM Tana xaal baan siinayaa dee SNM isaaq oo dhan ayaa ahaa “anagan kula hadleynaaba SNM Ayaanu ahayn”adiga  Aaminay waxaad tahay Taliska Nugul ee Niyad Jabka ah ee Naxashka Saaran baad tahay” Faadumo siciid Far ayaanad ka gaadhayn Faadumo Siciidna anagaa Xaal siiney  oo ah Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ah “ayey  tidhi Hodan Abdi Ali




Sacda Kayse C/laahi oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa Madaxa Sama falka Madaxtooyada u soo jeedisay in ay ka waan toowdo dhaleecaynta dadka Bulshada iyo Qarankaba ku leh Sharafta Waxayna Xustay in ay dalka kaga jirto Faadumo siciid Kaalin Mugleh oo aan la ilaawi Karin Taariikhduna ay kala qori doonto




Gaba Gabadii Shir Kaasi Jaraa”id Waxaa ka Hadashay Deeqa Cabdi oo ah Xubin ka Tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid Waxayna Tilmaamtay in ay inta ay Faadumo siciid u qabtay Dalka iyo dadkaba ay Dadweynaha Reer Somaliland ay Markhaati ka yihiin Wixii ay qabtay  Waxayn sheegtay Waxa ay qabatay Faadumo Siciid in ayna qaban Cid ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Silaanyo,Waxana ugu Baaqdey in ayna intaasi Faadumo siciid ayna u noqoneynin Ceeb iyo Carqalad




 




Wariye:Mr Hudle




Email:shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa Office/Somaliland