Monday, July 8, 2013

Xarar-dheere: Markab 2 sanadood Afduub loogu haystay oo Degay iyo 11 Qof oo la la’yahay

Xarar-dheere(GNA)-wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Markab muddo labo sano u afduubnaa kooxo burcad badeed ah ku degay xeebaha Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Markabkan oo laga lahaa dalka Malaysia ayaa sanadkii 2011 ay afduubteen kooxo budhcad badeed Soomaali ah ,kuwaasoo tan iyo xiligaasi haystay, kuna xidhay sii deyntiisa  madax furasho lacageed.

11 Ruux oo todoba ka mid ahi Budhcad badeed ahaayeen oo markabkaasi saarnaa ayaa dhamaantood la la’yahay nolol iyo Dhimasho waxay ku suganyihiin.

Markabka ayaa degay markii muddo dheer ku xidhnaa Xeebta Xarar-dheere, waxaanu noqonayaa markabkii ugu horeeyay ee ay budhcad-badeedu afduubato eek u dega Badda somaliya.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa muddo sanado ah heysatay maraakiib ay soo qafaashaan, kuwaasoo ay sii daayeen markii madax furasho la siiyay.

Tiro maraakiib ah iyo shaqaale ajaanib ah ayaa wali ku jira gacanta Budhcad-badeeda somaliya, kuwaasoo ku haysta deegaano kala duwan.

Arintan markabkan degay ayaa abuuraysa werwer iyo walaac laga qabi karo amaanka kuwa kale ee wali afduubka loo haysto.

Gobanimonews

Muqdisho Office