Monday, July 8, 2013

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Shil Diyaaradeed ka bad-baaday iyo Shaki Diblomaasiyadeed oo ka dhashay






Muqdisho(GNA)-Diyaarad siday Madaxweynaha somaliya ayaa degdeg uga degtay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii cilad farsamo ku timi markii ay ka duushay halkaasi.




Diyaarada ayaa u qaadaysay Madaxweynaha waddanka Koonfurta Sudan oo uu booqasho ku tegayay, hase ahaatee markii ay Masaafo kooban ka haaday Madaarka Aadan Cadde oo ay ka duushay cilad darsamo ku timi, dabadeed ay si dhakhso ah u soo cagodhigatay Garoonka iyadoo aan wax dhibaato ah soo gaadhin.




Ka dib markii diyaaradu madaxweynaha kula soo laabatay Garoonka, waxa uu halkaasi ku sugnaa mudo saacad ku dhaw, waxaana markii dambe qaaday Diyaarad Khaasa oo dhakhso loogu dalbay.
Mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku sii sagootiyay Madaxweynaha garoonka diyaaradaha, iyagoo Alle uga baryay in si nabad ah ku geeyo dalka Sudan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradii  ciladu soo wajahday darteed dib ugu soo laabatay muddo 25-daqiiqo oo hawada ku jirtay ay wali ku sugan tahay garoonka diyaaradaha, iyadoo koox farsamaqaano ku mashquulsan yihiin dayactirka diyaarada.

Diyaarada ayaa qeybta dambe ee lugaha ka bur buray, markii uu ku baahay qiica ka baxay dhinac ka mid ah diyaarada, gaar ahaan qeybtii matoorka.

Afhayeenka Madaxtooyada Eng. Yariisow ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu sii wadanayo, isla markaana diyaarad kale raacayo.

Wariyeyaal ku sugnaa garoonka ayaa loo diiday inay duubtaan diyaarada cilada soo wajahday, iyadoo qaarkood oo Video ka duubtay ay ku wargeliyeen Mas'uuliyiinta garoonka in ay tir tiraan.

Hadal heynta ugu badan ee magaalada ayaa ah cilada soo wajahday diyaaradii uu raacay Madaxweynaha iyo inuu ka bad baaday shil diyaaradeed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Diyaarad ciladooday ee uu ku sigatay inay shil gasho laga soo kireeyay dalka Kenya, iyadoo Afhayeenka Madaxtooyada uu beeniyay shakiga arrintaas ku saabsan, maadaama dowladda Soomaaliya iyo Kenya uu xidhiidhkooda diblomaasiyadeed uu sii xumaaday.

Diyaaradaha ay isticmaalaan madaxda dawladda ayaa ah kuwo la soo kireeyo, mana jirto diyaarad si milkiyad u leedahay dowladda Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii hore, xilligaas oo diyaarada Somali Airlines ay raaci jireen Mas’uuliyiinta dawladda iyo dadka Soomaaliyed.




Gobanimonews




Muqdisho Office