(GNA) Wadaadka caanka ah ee Abu Qatada ayaa shalay axadii la keenay magaalada Ammaan ee dalka Jordan.
Diyaarad khaas ah ayaa magaalada London kasoo qaaday Wadaadka Abu Qatada waxaana saaka laga soo dejiyey Airporka Militariga Jordan ku leeyahay caasimada wadankaasi.
Sidoo kale Wadaadkan Abu Qatada ayaa muddo 10 sano ah u dagaalamayey inaan loo gacan gelin dalka Jordan oo dacwado kusoo gootay wadaadkan oo loo heysto inuu abaabulay weeraro argagaxiso.
Wadanka urdun ayaa sanadkii 1999 dacwado kusoo oogay Abu Qatada inuu abaabulay weeraro argagaxiso, waxaana wadaadkaasi oo ku noolaa dalka UK ay ciidamada Ingriiska xireen sanadkii 2002.
Tan iyo xarigiisii 2002 ayaa waxaa socday maxkamado kala gedisan oo Dowlada Maraykanka ku dooneysay inay wadaadkaasi u tarxiisho dalka Jordan oo soo codsaday in loo soo gacan geliyo, balse Maxkamada Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa marar badan horjoogsaday in wadaadkan loo tarxiilo dalka Jordan maadaama laga yaabo in halkaasi lagu jirdilo.
dhanka kale Dowlada Ingiriiska ee David Cameron ayaa tarxiilka abu
Qatada u ah mid fadeexad badan horey ugu soo jiiday kadib markii xukuumada marar badan ku fashishay inay wadaadkan dalkeeda ka tarxiisho, balse xukuumada Ingiriiska ayaa ku faraxsan inay wadaadkaasi hada ku guuleysatay wakhti dheer kadib inay u gacan geliso wadanka Jordan, kadib markii dalka Jordan uu balan qaaday inaan wax jirdil ah lagu sameyn doonin oo maxkamad cadaalad ah la marsiin doono.
Maxkamada Jordan ayaa laba mar oo hore ku xukuntay wadaadkaasi xabsi daa’in iyo 15 sano oo xarig ah, balse waxaa la filayaa in maxkamadahaasi xukunkooda markale dib loogu noqon doono oo maxkamad cusub lasoo taagi doono.
Wadaadka ayaa markii laga dhoofinayey Airporka London waxaan lagu xirin wax katiinad ah, isla markaana iskiis u raacay diyaarad khaas ah oo ay dowlada Ingiriiska kireysatay, balse macada wuxuu kala kulmay dalka Jordan, halkaasi oo laga soo dajiyey Airpor uu leeyahay Militariga.
Gobanimonews-Desk