Friday, July 12, 2013

Wiil Yar Oo Turki Ah Oo Ciyaaraha Qoob Ka Ciyaarka Dunida Kaga Yaabiyay .


(GNA) Wiil aad u yar una dhashay dalka Turkiga ayaa ka yaabsaday Caalamka oo idil ka dib markii uu la soo baxay awood ka tayo badan farsamo ay ku faani jireen Dhalinyarada Mareeykanka iyo kuwa qaarada Yurub.  Wiilkaan yar ayaa ciyaar qoob ka cayaar ah kaga yaabiyay Caalamka oo idil kaas oo marka uu ciyaarayo ama Maslaxa soo fuulo mar qudha ay dadka ku qasabto inay fadhiga ka wada kacaan kuna daawadaan jaaskiisa cajiibka ah iyaga oo taagan waliba sacbinaya.  Dhalinyarada ku nool wadamada Yurub iyo Mareeykanka ayaa ciyaarta noocan ah waxa ay u soo maraan Iskuul lagu soo barto balse Wiilkaan yar ee u dhashay dalka Turkiga ayaa waxaa la shaaciyay inuu ciyaartan  ku soo bartay Qolka gurigiisa.  Dadka qiimeeya ciyaaraha noocan ah iyo ciyaarta  cajiibka ah ee ku nool wadamada Yurub iyo Mareeykanka ayaa mar kasta xaqira Dhalinyarada Turkiga ah ee mucjisadan la yimaada balse Wilkaan yar ayaa markaan lagu sheegay mid aan la xaqiri karin oo ku socda jidka Fanaankii hore ee Michael Jackson.