Friday, July 12, 2013

SHIRQOOLKA MAL-DAHAN EE SHIRKA WADA HADALKA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA”


Aragtida shacabka Somaliland way kashisheysaa shirqool loomaleego




Walaalahayga Soomaaliyeed waxaanu leenahay isusocodka labada shacab xagayaga (J.S.L) kama xayirna. Waana kumahad santiin muda dheer kadib hadaa maanta ogolaataan in Passporka Somaliland laydinku soo safro oo Dalkiina Soomaaliya lagu dhex joogo




Shacabkan Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaadheen go`aan 1991kii waanay kamidaysan yihiin inay mar-labaad naf iyo maanba uhuraan ilaalinta iyo adkaynta GO`AAN-kooda. Xaga illaahay ooy kanoqon waydo mooyee haday kumanaan sano qaadanayso maaha miday kanoqonayaan cidkastoo kahor timaada ama isku dayda inay wax kabadalaana waxaanu usheegaynaa Shacabka Somaliland waa indheer garad dadka kuhadla Afka Soomaaligana way wada garanayaan waxay galaan iyo waxay gudaan iyo halkay ka`istaagaan Mabda`ooda iyo Masayrkooda Tusaale ahaan




1.     Wakhtigii gumaytaha ingiriiska iyo halkay ka`istaageen hadafkooda




2.     Wakhtigii 60kii ee Midnima Doonka SHAN SOOMAALIYEED




3.     Wakhtigii 60kii ilaa 90kii GUMAYSI-DIID SINAAN IYO CADAALAD DOON




4.    Wakhtigii 91kii iyo lasoo noqoshadii HASHOODA MAANDEEQ




5.    Wakhtigan lajoogo HAYSASHADEEDA IYO MEEL MARINTA HADAFKOODA




Waxna iskamay badalin halkii bayna kataagan yihiin MEEL-MARINTA MABAADI-DOODA maantana waxaa geed-ka go`an noo ah




MABDA`A GOONI ISUTAAGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND




Waana mid aan gor-gortan galayn cidna loodaba fadhiisanayn shacabkuna wuu kumidaysan yahay AMAR ALLE ayuunbaana nawaysiin kara Siyaasi iyo shacabba qofkastoo kahor yimaadana waxaanu uga digaynaa inaanay wakhtigooda kulumin waxaan soconayn danahoodana aanay kulumin waxaan diinta islaamku ogalayn oo xaaraan ah in qof islaama oo kula mida lacabudhiyo xoriyadiisana loo diido fikirkaaga katag oo fikirkayga qaado




Walaalayaal waxaynu nahay dad walaala ah waana ogtiin taariikhda ay kagashay Jamhuuriyadda Somaliland RAADINTA IYO MIDNIMADA SHAN SOOMAALIYEED mana aha wax aydaan ogayn ee waxaa noomuuqata inaa iska indha tiraysaan dhamaan taariikhda ay leeyihiin shacabkani Somaliland




Waxaana wax lala yaaba ah inaa kamidaysan tiin indha la`aanta iyo dafiraada aa 53SANADOOD kuhaysaan shacankan oo dhawaaqa idinka soo yeedha shacab iyo siyaasi uu yahay waxaanu rabnaa midnimo Somaliland waa gobal kamida soomaaliya maah-maahbaa ahayd




WARANKA NINKA KUGU MUDA IYO NINKA KUGU LILIJIYA KEEBAA DARAN waajibkii idin saarnaa iyo abaalkii aanu idinku lahayn waa gees marteen inkastoo wali aydun haysataan wakhti aaku abaal gudaal ana aan idiinku baaqayo danka wanaaga iyo xaqiiqada inaydaan kafogaan runtuna waxay tahay Somaliland way jirtaa horana way ujirtay waanay jiraysaa intii illaahay ugu talagalay insha allaah ee haku daalina Jamhuuriyaddane hadaa garan waydeen wixii ay xaq idiinku lahaayeen shacabkeedu horta tiina hoos u`eega 100KA MAAMUL GOBALEED IYO 100KA MADAX-WAYNE LEH oo midnimada soomaaliya haka raadinina meel aanay kujirine halkay looga baahan yahay waa umada soomaaliyeed eed matashaan ee idin dooratay kala daadsan ee kunka meelood looga talinayo wada hadalka Somaliland ee maantana waxaanu filaynay inaa garaw sateen waxa ay xaqiiqadu tahay iyo waxaanu idinka mudanahay hasa ahaatee waxaa noqoteen




ABEESADII FARTA LOOTAAGAY EE FANAXA UBOODAY




Markaanu ogolaanay wada hadal iyo is hor fadhiisi inaa lashirtimaadeen qodobo shirqool u ah MASIIRKA UMADAN IYO MADAX BANAANIDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND  waana nasiib daro inaa MABDA`AYAGA QAATA OO AYNU MIDAWNO MABDA`IINANA KATAGA




Hadaa wanaag iyo walaal tinimo rabtaa idinkoo eegaya maslaxadiina SIYAASADEED waxa kaliya ee lagu heli karo isusocodka siyaasiyiin iyo shacab labada dal waa Somaliland iyo Soomaaliyee waa idinkoo ogolaada PASSPORKA SOMALILAND inaa fiisay naysaan oo dalkiina loogu soo safri karo SOMALILAND NATIONAL DOCUMENTSKA sida annaba aanu u`ogolnay SOMALI PASSPORT marna aannaan ujoojin waxaanay caday utahay caadifad la`aanta ay Somaliland idiin hayso




MIDNIMADDANA waxaa karaadisaan halkay kujirto waxaana ogaataan soomaaliya waa joogtaan shacabkeeduna waa kuwii idin doortay idiinna igmaday horumarkeeda ee DAL KABAXSAN SOOMAALIYA laydin kamana dooran laydiinmana dirsan inaa isku mashquulisaana maaha.




Madaxdayda qaaliga ahna waxaan leeyahay MUDANAYAAN




Sharafta iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Somaliland




Ee idiin igmaday mas`uuliyadana idiin siiyay inaa maamushaan idinkama masuug sanin ee siday balanteenu ahayd wada shaqayn iyo inaynu wixii madmadow kujiro meel kadhacna ku ah jiritaanka iyo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee noo muuqda shacab ahaan inaanu dhawaaq dheer iyo mid gaabanba idiinku soo gudbino fikirkayagana kadhiibano si waxkastoo qaldani inoogu saxmaan oo aynu cidkastana utusno inaynu kamidaysanahay MABDA`EENA IYO QADIYADEENA GOONI ISUTAAGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND.




 




Wasalaamu calaykum




Wabillaahi tawfiiq.




Mustafe  Axmed-keyse




xamsekayse@hotmail.com




Hargeysa Somaliland