(GNA) Allahayaw bishan Ramadaan naga yeel kuwii loo naxariisto awalkeeda ee loo danbi dhaafo badhtankeeda ee naarta laga xoreeyo naarta aakhirkeeda aamiin aamiin.
Intaas marka aynu ka gudubno waxaa si taxane ah inoogu socday ka hadalka bishan ramadaan iyo fadligeeda,taasi oo aan is dhex dhignay axkaam iyo macluumaad guud oo qubne ah oo ku saabsan bishan barakaysan ee ramadaan,waxa aan sidaa u dooranayna waa si maalin kasta qoraalkeenu u xambaarsanaado faa,iidooyin kala duwan. Maantana waxaan kasii wadaynaa isla dariiqaa hore inagoo ugu horsiinayna umuuraha aynu xagan hore inaynu xusnaa ay muhiim tahay sida niyada oo oo ay waajib tahay inuu qofku niyoodo habeenkii markuu cashaynayo ama suxuuranayo si hadii ay hurdoba ula tagto uu ahaado qof cashadii kadib soonkiisu usii xidhnaa,waxaana fiican in habeen walba goonidiisa loo niyoodo,waana shaygaa waajibka ah ee aan laga tagi Karin waxaanu ka duwan yahay soonka sunaha ah oo isaga hadii waagu kuu baryo adigoon xalay soon xidhan aad iska niyoon karo mina subaxda hadii aanad markaa kahor cunto kusii gurin,markaa akhristaw ogow in aad habeenkii niyootaa bishan ramadaan inay waajib sidaas u tahay mana jirto meel ay diinta kaga taalo niyo lagu dhadhawaaqo iyo wax la akhriyo toona,balse niyadu waa qalbiga oo gashato inaad soomayso bari. Qodobkaas hadaan ka gudubno waxaan u galaynaa suxuura iyo waxa ay diintu ka tidhi, sida xadiis laga soo wariyay saxiix nabigeena suuban s.c.w waxa uu yidhi "farqiga u dhaxeeya soonkayagan iyo soonkii ahlu kitaabkii naga naga horeeyay waa cunista suxuurta" markaas waa taas aad arkayso in suxuurto calaamad u tahay sida uu soonkan umada nabigu uga duwan yahay ee uu uga fiican yahay soonkii umadihii hore,markaa qofka suxuurta ka taga ee iska seexdaa wuxuu noqonayaa qof aan calaamad u yeelin soonkiisa,sidoo kale wuxuu noqonayaa qof sunihii rasuulka baal marsan oo ay xattaa barakadii suxuurtu seegayso,markaa adigoo iska casheeya oo seexda iyo adigoo suxuurta u kaca ogow waxaa u dhexeeya farqigaas wayn ee aan sheegnaye, waxaana taas ku tusinaya xadiis kale oo rasuulka s.c.w lagasoo wariyay oo uu yidhi "suxuurtu waa cunis barako lehe ha ka tagina kol midkiin uu qudhqudhiyo kabasho biyo ah, maxaa yeelay illaahay iyo malaa,igtiisuba way ku saliyayaan kuwa suxuuranayee" mida kale marka loo sii dhaadhaco macanaha iyo sirta balaadhan ee qofka suxuuranaya lala rabo waa toosida xiligan suxuurta oo ah waqti samadu furan tahay oo ducada muuminka la aqbalo isla markaana ay cibaadadu tahay tu aqbalaadeedu jaanis leeyahay laga faa,iidaysto,waxaana wax lagu suxuurto ugu fiicnaaday timir,sida xadiis rasuulku ku sheegay s.c.w isagoo yidhi "muuminka suxuurtiisa ta ugu fiicani waa timir" shayga kale ee soo raaca ee isna axaadiistu ina tusisay waa biyo,wixii kale ee aad helaysaana waa iska mubaax cunistiisu, sidaas markaynu taas u garanay waxaa iyana habboon oo sune ah in dib loo dhigo oo ilaa salaada subax horteed yar lagu simo inta u dhaxaysa qiyaasta uu qof ka akhriyi karo konton aayadood oo qur'aan ah suxuurta iyo salaada dhexdooda,markaas halkaas waxaad ka arkaysaa inay tahay waqti aad u yar mana haboona in sida dadka qaarkood saq dhexe la iska tooso oo qabqabtaas la guro,waayo taasi waa cilad ay hurdo danbe kugu qaban karto ilayn waxaan dhawayn salaadii subaxe,hadii aanu qofku intaas ka hadhay salaatulayl ku cammirayn waxa uu ku gabood falayaa inuu ka seexdo salaada subax,markaa iska ogow in diintu nidaamisay wax kastoo inoo fiican iyadoo hor dagtay waxaan maslaxad inoo ahayn.
Guntii iyo gabagabadii maanta waxaan kaga baxaynaa in xukunka suxuurtu yahay xukun aad u adag iyo sune mu,akad ah oo aan laga tagi Karin marka la isku shaandheeyo nusuusta kusoo aroortay.
Allaah ha inaga yeelo kuwii caafimaad iyo firfircooni soonkooda ka qaada, isla markaana soonku u noqdo waxay kaga bogsadaan cuduro badan oo daahir iyo baadinba leh, ila markaana ka waantooba inaanay soonkooda ku camirin khamaar iyo kusoo jeed laqwi iyo muran ee allaah ha inaga dhigo kuwii cibaado iyo digri ku toosa kunasoo jeeda,kana faa,iidaysta fursadan cumriga iyo jaaniskan aan soo gaadhnay maanta,waxaana allaah aan ka baryaynaa inuu ramadaantan macalin inooga dhigo aan ka qaadano tarbiyada fiican ee dulqaadka iyo saamaxaada leh iyo sadaqada iyo ka tanaasulka wixii balwad ah ee inagu cindanaa, sida caytan iyo ceeboo dhan, allah ayaynu baryaynaa ducadana isagaa ajiiba, aamin aamin aamiin
Lasoco…..ilaa bisha….isha allaah
Sheekh Jaabir, Herbalist Hargeisa