(GNA) Caruurta uu dhalay Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa shalay soo saaray Bayaan ay ku sheegayaan in militariga Masar ay afduubeen aabahood isla markaana aaney ka warqabin xaaladiisa caafimaad.
Hadalka Qoyska Maxamed Morsi ayaa soo baxaya xili ay sii xoogeysanayaan banaanbaxyada taageerayaasha Ikhawaan Muslimiinka iyo shacab kale ay ka dhigayaan magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Tan iyo intii inqilaabka Militari ka dhacay dalka Masar waxaan la ogeyn meesha lagu hayo Madaxweyne Morsi, wallow ay Militariga sheegeen inuu bad qabo oo meel xasiloon lagu hayo, iyagoo ku dooday in ay naftiisa illaalinayaan.
Hase yeeshee wadamo badan oo ay ku jiraan kuwa Reer Galbeedka ayaa horey ugu baaqay in si deg deg ah xoriyadiisa lagu siiyo Maxaweynihii shacabka doorteen ee la afgambiyey.
Madaxweynaha Kumeelgaarka ah ee dalkaasi Masar Cadil Mansuur oo xalay telefishinka Qaranka kala hadlay shacabka ayaa sheegay in xukuumada kumeel gaarka ah bilaabi doonto, qorshe dib u heshiisiineed oo lagu badbaadinayo guulihii labadii kacdoon ee dalkaasi ka dhacay, ayuu yidhi Cadil Mansuur.
Walow khudbada Cadil Masnuur aaney dhageysan dadka kasoo horjeeda ee taageera Ikhwaanka kuwaasi oo weli fadhi iyo banaanbax weyn ka wadaa xaafada Nasr Citry halkaasi oo ay kumaan kun oo shacab todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaayeen, dadkaasi ayaa xalay Saladii Taraawiixda tukanayey xiliga uu Cadil Mansuur kasoo baxay Telefishinka, hadalkiisana ma jirin cid si weyn u hadal heysay.
Hadalada Cadil Mansuur ayaa kusoo beegmay xili iska horimaadyo ay ka dhaceen magaalada Qaahira ay gacanta isula tageen taageerayaasha Morsi iyo kooxaha kasoo horjeeda, dhacdooyinkaasi oo uu ku dhintay ugu yaraan hal qof.
Diyaariye:Askar
Gobanimonews