Wednesday, July 24, 2013

Midowga Yurub oo xayiraad saaray Garabka Militariga ee Xisbu-allah, kuna tilmaamay in uu yahay…


(GNA) Wadamada Midowga Yurub ayaa shalay (Isniin) isku raacay in xayiraad dhinaca dhaqaalaha ah la saaro Kooxda Xisbu-allah ee ka dhisan dalka Lubnaan.




Wasiirada arrimaha dibada ee 28ka wadan ee uu Midowga Yurub ka kooban yahay ayaa kulankoodii shalay si aqlabiyad ah isugu raacay in xayiraad dhinaca dhaqaalaha ah la saaro Garabka Militari ee Xisbu-allah.




Wadamada Midowga Yurub ayaa ku sheegay xayiraadan mid looga jawaabayo faro gelinta ay kooxdaasi Xisbu-allah ku heyaan dagaalada ka socda dalka Siiriya.




Kooxda Xisbu-allah ayaa hore dagaalyahano ugu dirtay dalka Siiriya, kuwaasi oo gacan siinaya xukuumada Shiicada ah ee Bashaar Al Assad.




Kaalinta xisbu-allah ee dagaalka Siiriya maaha sababta kaliya ee cunaqabateyntan loo saaray waxaa sidoo kale loo heystaa kooxdaasi inay ka danbeysay qaraxyo ka dhacay dalka Bulgaria oo lagu dilay dad yuhuud ah, walow aan cadeynmo waaweyn loo heyn in kooxdaasi falalkaasi ka danbeysay, balse Wasiirada ayaa isku raacay in sababta xayiraada loo soo rogay ay ku koobaan dagaalada ka socda Siiriya iyo farogelinta Xisbu-allah.




Kooxda Xisbu-allah oo arrintan ka jawaabtay ayaa ku tilmaamay mid ay ka xun yihiin balse aan dhaawac weyn u geysan doonin dhaqaalah kooxdaasi ay ka hesho dadka ku dhaqan wadama Midowga Yurub, waxayna isla markaana sheegeen in xayiraadan ay ka danbeeyaan Yuhuuda oo cadow weyn u aragta Xisbu-allah.




Diyaariye:Askar




Gobanimonews,com