Hargeysa (GNA) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan Maanta Xadhiga ka jaray Waddo laami ah oo laga dhisay Jidka isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh ee Gobolka Gabiley, taasoo qayb ka Mashaariicda horumarineed ee ka socdaa Gobolkaasi.
Munaasibada Xadhiga lagaga jaray Waddadaasi, waxa wasiirka kala qayb-galay, Wasiirka Wershadaha Abiib Nuur Diiriye, xubno ka mid ah Maamulka Gobolka iyo Degmooyinka gabiley iyo Wajaale , Saraakil ka socota Hay’ada dawlada iyo Masuuliyiin kale, kuwaasoo ka mahad celiyay dhismaha Jidka cusub oo wax badan ku soo kordhin doona adeegyada horumarinta Bulshada ee Gobolka iyo degmooyinka ay wadadani isku xidhayso oo dhibaato badan kala kulmi jiray dhinaca isu socodka Gaadiidka.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xafladaasi ka hadlay, ayaa amaan balaadhan u soo jeediyay cid kasta oo ka qayb-qaadatay hir-gelinta waddadan cusub, waxaanu sheegay in wax wada qabsiga iyo Iskaashigu bulshada Udub dhexaad yahay horumarka dawladnimada iyo Geedi-socodka nidaamka saxda ah ee kor loogu qaadayo Nolosha iyo adeegyada aasaasiga ah.
Dhinaca kale, Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu Gaashaanka u daruuray Eedeymo isdaba joog ah oo maalmahan ug imanayay Golaha Ismagacaabay ee Toosinta iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, kuwaasoo uu eedeymahooda ku tilmaamay kuwo xaqiiqada ka fog oo xiqdi iyo Xumaan badani ku jirto.
Ugu horayn Wasiirku isagoo fariin u diraya Guddoomiyaha UCID , waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan halkan jawaab uga diro Faysal oo iska daa Kiilo mitire, talaabo aan ku soo kordhin, maalinba ninka dalka xukumaya ayaad caayaysaa, waxaana dhici doonta in adiga oo halkaas naga caayaya in la arki doono dalkii oo dhismay, waxa aan ku leeyayay af xumadda Maalintii iyo ergada habeenkii aad noo soo dirayso kala daa.”.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale halkaasi Jawaab uga diray xubno kale oo ka mid ah Golaha Toosinta Qaranka “Waxa Jirta rag kale oo Magac Ku Lahaa Dalka, laakiin aad hadda mooda in ay magacoodii iyo sumcadii hore masaxayaan, kuwaas oo uu ka mid yahay Dhago weyne.
“Hadaad shalayto soo Halgamaysay, laakiinse ay kuu bar-bar taalay in aad Siilaanyo u gasho Jidgooyo oo ina Cigaal Xilligii Sulaadiinta La uruurinayay aad lahayd waan duminayaaye soo deg oo ina Riyaalena Shalayto aad lahayd aynu ku duulo, oo maantana aad Siilaanyo leedahay aynu ku duulo oo weerarno, waa ayaan darro miyaanad weerar ka gud-bayn, miyaanad ka gud-baynin in aad dalkaaga Tidhaahdo aan col geliyo.”ayuu sheegay.
Waxaanu Wasiirku intaasi ku daray isagoo cadaynaya sida aan sharciga qof-na uga sarayn “Waxa aan ku leeyahay dalka waa la dhisayaaye qaybtaada ka qaado oo wax ka dhis” - “Waxa timid sharci daradda, waar nina sharci daro laga yeeli maayo, ninkii sharciga diidoow, sharci daradu waxa ay kuu dhasho waxba ha naga siinin, Waxa weeyaan hogaamiyeyaal guul daraystay, shalay buu hogaaminayay Udhis haddii lagu diiday oo umadu ku dooran wayday, Maxamed Xaashi-na waxa aan leeyahay waxa aad maanta sheegayso maad sheegtid shalay markii aad wasiirka ahayd”.
Hadalka wasiirka ayaa daba socda Eedeymo aanay Bulshada qaybo ka mid ahi bogin oo todobaadyadii u dambeeyay ka soo bu’ayay Ashkhaasta ku midaysan Golaha ismagacaabay, kuwaasoo uu wali ka dhex muuqdo Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay todobaadkii hore Guddida la socodka Asxaabtu uga digtay inuu ka tanaasulo la socodkooda.
Geesta kale, wadadan Xadhiga laga jaray 5KM ee ugu horeeyay, ayaa dhererkeedu dhanyahay 18 KM oo ka bilaabanta Magaalada Wajaale, kuna dhamaanaysa Magaalo Ganacsiga Somaliland ee Wajaale oo Hal-bowle u ah Ilaha wax-soosaarka iyo Dhaqaalaha Waddanka .
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com