Badhan (GNA):- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali (Cadami) ayaa sheegay in isaga iyo masuuliyiin ka tirsan maamulk Puntland uu dhex maray wada hadal dhinaca Telefoonka ah oo uu ku qancinayay in aanay Puntland isku deyin in ay u soo waaridaan sanaaduuqda doorashadooda dawlaha hoose deegaammo ka tirsan Somaliland.
Axmed Xaaji Cali Caddami oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN isaga oo ku sugan magaalada Badhan isaga iyo wefti wasiiro ah oo uu hogaaminayo, ayaa tilmaamay in wadahadalka dhex maray isaga iyo masuuliyiinta ka tirsan Puntland uu ku saabsanaa in aanu maamulka Puntland ku soo xad-gudbin dhulka Somaliland isla markaana ay faragelinta ka joojiyaan deegaanada barriga Somaliland kuna ekaato Puntland dhulkooda.
Isaga oo arrintaas ka ahdlayana waxa uu yidhi “Waanu wada xidhiidhnay xubno badan oo masuuliyiin maamulka Puntland ka tirsan oo arrimahan loo nisbaynayay inay dabada ka riixayaan, waxbaanu isla meel dhignay oo si cad baanu u wada hadalnay, markaa haddii wada hadalku shaqeeyo oo halkaa ay xubnaha weftiga ku soo xulaan waa arrin wanaagsan, deegaanadana aan lagula soo habaabin in la keeno sanduuqyo, mar haddii shacabkii deganaa raali ka ahayn, haddii sidaa loo hogaansamo oo caqligu shaqeeyo waa sax, nabaduna ay taagnaato.waxaanu ka wada hadalnay ujeedada aanu meesha u nimid iyo waxa aanu u socono ee ay TV-yada ka daawadeen oo ah in aanaan ciyaaraynin ee ay wax naga dhaba tahay, dareen doorasho iyo sanaaduuq la keeno dhulkayagana midna aanaan ka aqbalaynin, qoladaa Puntladn-na waa inuu caqligu shaqeeyo oo ay deeganadooda ku kooban doorashadooda”.
Wasiirka Gaashaandhigu waxa kale oo uu sheegay in ciidamada Qaranku ay heegan buuxa ugu jiraan sidii aanay doorashada dawladaha hoose ee maamulka Puntland uga dhicin deegaano Somaliland ka tirsan. “Si wanaagsan ayey ciidamada qaranku ugu diyaar garoobeen dhamaanba aagaga xuduudaha, wax alla wixii maanta dhacana ee arrintaa la xidhiidhana ay ka badbaadiyaan dhulkooda, waxqabadka Somaliland baal dahab ah ayay kaga jiraan ciidamada qaranku, anaga taayadu waa taakulo iyo wada hadalka odayaasha ah, iyo in aanay anaga shacbigu dareen qaldan naga qaadan weeyaan ta aanu wadnaa, laakiin diyaar garaw ayay sameeyeen, ku talo-galkoodana way sameeyeen, meeshii looga baahnaa iyo goortii loo baahnaana way ku dadaaleen, intii awoodooda ah. aad iyo aad ayay u dadaaleen waanay ku amaanaan yhiin ilaa hada hawshu way socotaa” ayuu yidhi wasiir Caddami.
Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ku tilmaamay u jeedada socdaalka weftiga uu hogaaminayaa ay ku marayaan gobolada Sanaag iyo Badhan uu la xidhiidho sidii bulshada ku nool deegaanadaasi ay uga wacyi gelin lahaayeen in aanay isku duubnaadaan dhinacna uga soo wada jeedsadaan wixii carqalad ku keenaya nabad geliyada deegaanadaasi.
Waxaanu sheegay wasiir Caddami in deegaanada ay soo mareen shurar iyo kulamo ay kula yeesheen odayasha iyo waxgaradka isla markaana ay kala hadleen sidii ay hawlaha uu maamulka puntland ka wado ay dhinac uga soo wada jeedsan lahaayeen. Waxaanu yidhi “Wada hadal ayaanu la galnay madax dhaqameedka iyo odayaasha, culimada iyo indheer garatada, caawa shir baanu lahayn, xalay shir baanu Badhan ku lahayn, kuwo kalena waanu ka samaynay deegaanadii aanu soo marnay, maantana masaajidada ayaa si wanaagsan loogaga hadlay, oo dadka loo sheegay in aan wax dhibaato keeni kara lagu soo kordhin, biyo la’aan iyo dhibaato kale ayaa haysata, nabadgelyo xumo uma baahna”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaanu kala hadlaynay madax dhaqameedka iyo odayaasha inay halgan sameeyaan, in dhegtu taagnaato, in ay soo jeedaan, in meel looga soo wada jeesto, in sanaaduuq dhexda laga soo gudbiyo oo dhulkii deegaanka Ceerigaabo ka tirsanaa sanduuqyo la keenaa ay noqonayso jilayc xagga dadweynaha ah, iyo inay iyagu deegaankooda daafacdaan oo ay ka badbaadiyaan aafada iyo siyaasada la wado, baraarujin ayaanay ahayd.deegaanadaa aanu soo marnay oo dhan marka Yube laga soo bilaabo, Ceerigaabo oo odayaashii joogay aanu la shirnay, qaar baa nala socda oo nala soo gaadhay Badhan”.
Dhinaca kale wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin isku day kasta oo ay Puntland ku soo qaado deegaanada gobolka Badhan gaar ahaana degmada Dhahar.
Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan, isaga oo joogay degmada Dhahar ee gobolka Badhan, waxaanu tilmaamay in aanay doorashada goleyaasha deegaanka ee maamulka Puntland aanay suurtagal ahayn inay ka dhacdo deegaanadaasi. waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ciidamada Qaranka iyo maamulka deeganadaasiba ay heegan ku jiraan isla markaana aanay wax suurtageliaya aanay ahayn in Puntland ay timaado deegaanadaasi.
Waxaanu yidhi “Puntland halkan waxba uma yaalaan, waxna ka dhici maayaan ciidanka qarankuna diyaar uu u yahay mana suurabayso in Puntland inta ay halkan timaado ay doorasho ka qabato, ciidankuna heegan buu ku jiraa, intii halkan aan joogay waan maqalnay wararkaasi, laakiin weli hawl lamay iman deegaankan, mana filaayo inay halkan uga suurtoobi karto hawshaasi, halkan markaa waa hadal hayn uun, laakiin ciidanka qaranka, maamulka gobolka iyo ka degmaduba heegan ayay ugu jiraan arrintaasi, diyaar baana loo yahay, meel walba oo ka mid ah deegaankan”.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha waxa kale oo uu ka waramay u jeedada socdalka uu ku jooga Dhahar iyo sida ay xaalada deegaanadaasi tahay, Waxaanu yidhi “ujeedada safarka aan Dhahar ku tegay, waxa uu la xidhiidhaa xaalada wadanka iyo hawlo xaga dawlada ka socda iyo kormeer ayaan u tegay oo aan halkan u joogaa, markaa hawshaasaan u joognay halkan, hawlahayaguna weli way socdaan oo ma dhamaan.deegaanada aan soo maray aad ayay xaaladoodu u wanaagsan tahay, in kasta oo lagu jiro wakhti xagaa ah, hadana dadka iyo xooluhuba way fiican yihiin, nabadgelyaduna way fiican tahay aad baana loo wanaagsan yahay”.