Sunday, July 14, 2013

Wasiir Waran-cadde: Waxaad u diyaar garowdaan Cadow kasta oo Waddanka ka soo weerara Dhinaca Badda”.







Berbera(GNA)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu maanta Kormeer ku soo maray fadhiisimada Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland ee Magaalada Berbera iyo xarumaha kale ee Hay’adaha amaanka .




Kormeerkiisan oo ah kii ugu horeeyay ee uu ugu baxo Gobolada intii loo magacaabay Wasaaradaasi, waxa uu ugu kuur-gelayaa tayada Hay’ada amaanka ee heer Gobol, waxaana meelaha uu booqday maanta ka mid ahaa Xarunta Gobolka, Dawlada ee Berbera , Taliska Xeebaha ee Gobolka Saaxil iyo Dekedda Berbera iyo meelo kale oo muhiim ah.




Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo  hadal u jeediyay Ciidanka Xeebaha, ayaa ku guubaabiyay inay Heegaan buuxa ugu  jiraan Difaaca dalka iyo dadka, isla markaana diyaar u ahaadaan cadow kasta oo isku daya inuu dhinaca Badda ka soo weeraro Waddanka.




“ Maalin dhaweyd waxa telefishanada laga sii daayay qolada somaliya  iyagoo leh waxaanu diyaarinaynaa Ciidamadii  Somaliland lagu qaban lahaa ee  Calankii Buluuga ahaa ee aynu dhibta badan kala kulanay halkan ka taagi lahaa, Jasiira ayaana lagu tababarayaa, markaa Ciidanka Xeebuhu waxaad tihiin kuwii Difaaci lahaa Biyaha Somaliland”ayuu yidhi.




Waxa Wasiirka Kormeerkaasi ku wehelinayay Maamulka  Gobolka iyo Degmada Berbera iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha iyo ku-xigeenkiisa.




Gobanimonews




Berbera Office