Saturday, July 13, 2013

Khaatumo State: Sanaaduuqda Doorashooyinka puntland lama keeni karo Buuhoodle iyo Goboladda kale ee aanu maaamulno”.


Buuhoodle(GNA)-Maamulka Khaatumo, ayaa Puntland uga digay inay Deegaamadooda keenaan Sanaaduuqda Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka  Puntland oo la filayo inay qabsoomaan 15 Bishan Jully oo ku began maalmaha soo socda.




Deegaamadda Buuhoodle,ayaa lagu waramaaya inay Bulshada ku dhaqani isu diyaarinayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen Sanaaduuq  Guddida Doorashooyinka Puntland doonayaan inay halkaasi geeyaan.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo State, Maxamuud Sheikh Cumar oo ayaa Gobanimonews u sheegay inay shacab iyo maamulba u diyaar garoobeen sidii ay uga hortegi lahaayeen isku dayga la doonayo in Sanaaduuq lagu keeno Deegaamada ay ka taliyaan.




Maxamed Sheikh Cumar oo Khadka telefoonka ugu waramay Gobanimo isagoo ku sugan Magaalada Buuhoodle, ayaa digniin culus u diray Maamulka Garoowe, waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan faro-gelinta ay ku hayaan Deegaamadooda.




“Maamulka Punland waxaan u sheegayaa inaan laba maamul oo siman oo derisa nahay, dhalasho iyo ganacsi way naga dhaxayn karaan, laakiinse waxaanu nahay laba maamul, markaa Faroole markii uu Taageero ka waayay gudaha Puntland ayuu doonaaya inuu Goboladda Khaatumo cod ka raadiyo, markaa waxaanu uga digaynaa inaanu arintaasi isku dayin oo aanu fowdo iyo dhibaato la soo gelin Deegaamada Khaatumo.”




Agaasime Cumar, ayaa dhinaca kale fariin u diray bulshada Khaatumo, waxaanu u soo jeediyay inaanay aqbalin in deegaamadooda laga hir-geliyo Doorashada Faroole Taageerada ku doonayo.




 “Dadka ku nool deegaamada Khaatumona waxaan leeyahay Wixii aan idiin qalmin ha qaadanina, kana digtoonaada in Sanaaduuqda Faroole wato deegaamadooda la keeno”, ayuu yidhi.




Mar la waydiiyay xiliga Sanaaduuqdaasi la keenyo Buuhoodle, sida uu sheegay wuxuu ku Jawaabay.”Sida qorshuhu yahay Doorashadu waxay dhacaysaa 15 bisha, markaa 14 ilaa beri inay soo qaadayaan ayaanu  filaynaa, waanan ka diyaar garownay shacbi iyo ciidanba sidii aanu uga hortegi lahayn, waliba waxaanu leenahay hadii ay jiraan dad ka soo jeeda Buuhoodle oo arinta hor socdaa inaanay dhibaato iyo waxaan suurto gelayn umadda u soo hogaamiyaan”




Hadii ay yimaadaan waxaanu doonaynaa Inaanu qabano sanaaduuqda iyo cida wadataba, annagoo doonayna inaanu khasaare dhicin, sharciga ayaana lala tiigsan doonaa.”




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Puntland oo la xidhiidha arintan, noomanay suurto gelin inaanu helno Guddida Doorashooyinka Puntland oo aanu la xidhiidhnay, balse talaabadan ayaa caqabad hor leh ku keenaysa  Doorashooyinka Golayaasha deegaanka  oo markii ugu horaysay laga qabanayo Goboladda Puntland.




Gobanimonews




Buuhoodle Office