Berbera(GNA)-Wefti ka socda Somaliland oo ka qayb gelaya shirka wada hadalada Somaliland iyo somaliya ee Turkiga ayaa maanta ka amba baxay Magaalada Berbera.
Weftigaasi oo ka kooban lix xubnood waxa hogaaminaya Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ah wasiirkii hore ee arimaha dibada.
Waxay sheegeen inay waddanka Turkiga kaga qayb gelayaan wajigii saddexaad ee shirka wada hadalada.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah Xubnaha weftiga, ayaa ka jawaabay Eedeymo uu u soo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Weftigii ka qayb-galay shirkii kan ka horeeyay.
Wasiir Xirsi ayaa sheegay in faysal Cali Waraabe Weftiga looga reebay arrimo sir ah oo uu bixiyay iyo gacan saar uu la leeyahay dhinaca somaliya “Faysal Cali Waraabe waxa weftiga looga reebay waxaanu kala garan waynay inuu la socdo Somaliland iyo inuu dhinaca Koonfurta la safanyahay”.
Waxa taasi marag ma doon u ah markii uudhamaaday shirkii hore ee aanu wada yeelanay Koonfurta, isagoo Qolada somaliya la socda, isagaa diiday inay shirkaa wixii ka soo baxay labada Madaxweyne saxeexdaan oo yidhi Wasiiraddu ha kala saxeexdaan”ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ka sekow taasi markii aanu Ingiriiska Joognay ee aanu ka nimi shirka Faysal Cali Waraabe wuxuu la xafladaysanayay Qolada Koonfurta, annaguna dadkii Reer Somaliland, iminka waakii shalay sheegayay inay wada hadleen dad Reer Koonfur ah oo ay xidhiidh leeyihiin”ayuu sheegay.
Faysal Cali Waraabe ayaa shalay sheegay inaanay Xukuumadda Somaliland daacad ka ahayn wada hadaladan, isla markaana go’aanada iyo hogaaminta waddanku gacanta ugu jirto cid aan Madaxweynaha ahayn oo la tacaamisha siyaasiyiinta somaliya.
Faysal Cali Waraabe wuxuu tibaaxay Ashkhaas siyaasiyiin ah oo u kala dab-qaada Hargeysa iyo Muqdisho oo ku xidhan xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda siilaanyo, kuwaasoo buu yidhi si gaar ha ugu xidhan Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Gobanimonews
Berbera office