Hargeysa(GNA)-Safiirka Cusub ee Dawlada Ingiriiska ee Soomaaliya Neil Wigan ayaa sheegay inuu eegayo codsiga Wiil uu dhalay nin Ingiriis ah oo 1991 lagu dilay Muqdisho, kaasoo ku soo koray Magaalada Hargeysa, isagoo haysan wax waalid ah.
Nimcan Brian Bowden oo hada Da’diisu ku dhawdahay 30 Jir, ayaa 4 sano jir ahaa xiligii aabihii Brian Bowden ay maleeshiyaadkii USC ku dileen magaalada Muqdisho,waxaanu hada ku noolyahay Hargeysa ee Caasimada Somaliland, waana nin xoogsade ah oo la qabsaday Nolosha wadankan uu ku noolyahay.
Hada wuxuu Wadde ama Darawal ka yahay Gaadhi nooca Dadweynaha qaada ah oo ay Leedahay Shirkadda Raaxo, waxaanu hore uga shaqaysan jiray Basaska Dadweynaha isaga shaqeeya gudaha magaalada Hargeysa.
Nincaan, ayaa qoys ahaan ku tiirsanaa Awoowgii Hooyo iyo qoyska ay Hooyadii ka dhalatay oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley,qoyskaasoo soo koriyay intii aanu hana qaadin ee aanu Xoogsadaha noqon.
Hooyadii waxay dhimatay sida uu sheegay sanadkii 1994 waxaanu marar badan isku dayey inuu dib u helo dhalashada dalka Ingiriiska, balse sida la sheegay kumuu guuleysan codsiyo badan oo uu u gudbiyey Safaaradaha Ingiriiska ku leeyahay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta.
Warbaahinta Somaliland ayaa dhawaan Baahisay Barmaamujyo uu u jiro Nimcaan oo ka waramaya Waayihiisa nololeed iyo halka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaana warbixino kala duwan ka qoray Saxaafadda Somaliya iyo kuwa Luuqada Ingiriisiga wax ku qora oo ay ka mid tahay Mareegta Somalilandpress.
Safiirka cusub ee UK ee todobaadkii tagay xafiiskiisa si rasmi ah ula wareegay ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameenayo wiilkan si loo hubiyo inuu dhalay Brian Bowden oo ka shaqeyn jiray Muqdisho, ka hor intaan Mawaadiniinta Reer Uk laga daad-gurayn Muqdisho markii ay bur-burtay dawladii dhexe ee Somaliland.
Brian Bowden oo ahaa Nimcaan Aabihii ayaa Magaalada Muqdisho lagaga tegay Xiligaasi, waxana mudo yar ka dib Dilay Maleeshiyaadkii somaliya ee la wareegay Magaaladaasi.
Nimcaan ayaa Nabad iyo badhaadhe ku helay waddanka Somaliland oo ka fayo qabay Qul-qulatooyinkii ka dhacay Koonfurta somaliya ee Aabihii lagu dilay, waxaanu leeyahay Xaas kula nool Magaalada Hargeysa.
Hadalka ka soo baxay Safiirka ingiriiska ayaa fursad weyn u siinaysa inuu helo Dhalashada Waddankiisa 23 sanadood ka dib, hase ahaatee wali wax dareen celin ah lagama hayo Mr Nimcaan.
Gobamimonews
Hargeysa Office