Friday, July 5, 2013

Fifa Oo Dooneysa In Uruguay Iyo Argentina Ay Isla Martigeliyaan Koobka Adduunka 2030.


FIFA ayaa dooneysa in sannadguurada 100aad ee Koobka Adduunka ee 2030 inay Koobka Adduunka ku martigeliso Uruguay iyo Argentina kuwaasoo ku kulmay finalkii ugu horeeyay ee Koobka Adduunka, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka xiriirka kubada cagta Argentina Julio Grondona.




1930kii markii ugu horeysay ee la qabto Koobka Adduunka Uruguay ayaa 4-2 finalkii ku garaacday xulka Argentina ciyaar ka dhacday Mantevideo oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 80 kun taageerayaal ah.




“FIFA waxa ay dooneysaa inay sannadguuradii 100aad ee Koobka Adduunka ay kula dabaaldegto Argentina iyo Uruguay, waan xaqiijin karaa taas” ayuu yiri Grondona.




“Heshiis ayay wada saxiixdeen labada xiriir ee Argentina iyo Uruguay. Maxaan sameyn doonaa? … Waan arki doonaa wixii soo baxa” ayuu Grondona u sheegay Idaacada Argentina ee Radio 10.




Koobka kaliya ee Adduun ee ay labada wadan isla martigeliyeen abid waa Japan iyo South Korea sannadii 2002.




 




 




2014 waxaa Koobka Adduunka lagu qaban doonaa Brazil, halka Russia ay martigelin doonto 2018, Qatar ayaa iyagana martigeli doona 2022.




In Argentina iyo Uruguay ay martigeliyaan Koobka Adduunka 2030 waxaa taageeraya xiriirka kubada cagta South America CONMEBOL.