Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Maanta kulan albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay Guddida Joogtada ah ee Golaha, daqiiqdo ka dib markii uu Taliyaha Bilayska ku wareejiyay Gaadiid Casri ah oo ka shaqaynaya Gurmadka deg-dega ah ee dhanka amaanka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaasi, balse ka hor intii aan warbaahinta dibada looga soo saarin wasiirka iyo Guddidu waxay sheegeen inuu la xidhiidho is-xogwaraysi caadi ah oo ay guddidu wasiirka kaga waraysanayso Xaalada amaank ee waddanka.
Dhinaca kale ka sekow kulankaasi Guddida Joogtada ah , wasiirku wuxuu ka hadlay Munaasibadii Gaadiidka uu ku wareejiyay oo uu Bulshada uga diray fariin la xidhiidha la shaqaynta Hay’ada Amaanka, isagoo dhanka kale waraysi uu siiyay Telefishanka dawlada uu kaga hadlay muranka ka taagan Golaha wada tashiga iyo eeedeymaha uga yimi Xukuumadda maalmihii la soo dhaafay.
“Baabuurtan oo ah nooca Ototo ah loo yaqaano ama 999, waxaynu ugu talo-galnay in loogu adeego Bulshada Reer Somaliland, si uu shacbigu u dareemo inay Madaxdoodu u soo jeedo, Baabuurtani waxay kaga duwanyihiin Gaadiidkii hore Bilayska, waxay leeyihiin Lambaro(999), oo aan marna mashquul kaa noqonayn”ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo xaflada ka hadlayay
Waxaanu intaasi ku daray “Baabuurtaasi waxay wax weyn ka tarayaan Guud ahaan Nabad-gelayda, Ciidanka iyo Gaadiidkani waxay shaqayn doonaan 24 saacadood, waxaanay wareegayaan suuqyada iyo Xaafadaha Magaalada si ay wax uga qabtaan dhalinyarada inta badan meelahaa dadka ku baadha”.
Ugu dambeyn wuxuu bulshada u soo jeediyay “Dadweynaha waxaan ku dar-daarmayaa inay Ciidanka la shaqeeyaan”ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyay “Gaadiidkan Iminka waxa loo sameeyay Magaalada Hargeysa oo qudha, Magaalooyinka kalena dhawaan ayaan la geyn doonaa, iminkana waxaanu bixinay waa 10 Gaadhi”.
Dhinaca kale wasiirku waxa uu ka hadlay, islamarkaana qaab diblomaasiyadaysan oo caqli celin u muuqata ula hadlay Golaha wada-tashiga Qaranka iyo toossinta oo shalay si adag dhaliilay xukuumadda uu ku jiro.
Wasiirka ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in sharciga la Ixtiraamo, isla markaana qaybaha Bulshada iyo hormoodka siyaasigu aanu ku kicin arimo ka hor imanaya Shuruucda iyo nabad ku noolaanshiyaha Shacbiga.
Qof Sharciga ka weyni ma jiro, Dawladuna waxay u jirtaa inay dadka sharciga ku Ilaaliso, in qofkii Caytamaana maaha oo Cayda suuqa ayaynu ku naqaanay, qofkii sharciga ka talaabsadana Naftiisa ayay u darantahay oo isagaa dhib isu geysanaya, sharcigaana qabanaya oo meelna lagama dhaafi karo sharciga, markaa waxaan shacbiga ugu baaqayaa inaanay dheg u dhigin wixii sharci daro ah”,ayuu yidhi.
Waxaanu sidoo kale sheegay “Dawladu mar walba dulqaad ayay muujinaysaa oo waxaanu jecelnahay inaanu dadka u dulqaadano, laakiinse qof sharciga ku tumanaya oo suuqa ka caytamaya wuxuu noqonayaa Awr Dabar la’aan lumay”ayuu yidhi Cali Waran-cadde.
Si kastaba ha ahaatee Wasiir Waran-cadde ayaa u muuqda inuu waajahayo sidii uu uga midho dhalin lahaa adkaynta amaanka iyo ka hortaga isku day kasta oo waxyeelo ku keenaya amaanka waddanka, iyadoo uu kulamadii uu shalay ka qayb-galayna si weyn looga dheehanayay qorshaha iyo yoolka arimahaasi uu ku beegsanayo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com