London-(GNA) Kate Middleton oo ah xaaska Amiir William oo ah qofka labaad ee leh dhaxalka Boqortooyada dalkan Britain ayaa wiil ku dhashay cisbiitaalka St Mary’s ee magaalada London.
Hadal kooban oo ka soo baxay qasriga boqortooyada Britain ayaa lagu sheegay in wiil uu u dhashay galabta saacaddu markay ahayd 4.24pm. Wararka la xidhiidha
Hadalka ayaa lagu sheegay in wiil iyo hooyadii Kate ay caafimaad qabaan hadda isla markaana caawa ay joogi doonaan isbitaalka.
Amiir William ayaa la sheegay inuu dhinac joogay xaaskiisa Kate markii ilmuhu dhalanayay. Waxa uu sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay aad ugu farxeen, isla markaana ay u tahay waqti gaadh ah oo aad ugu weyn.
Amiir William iyo Kate
Boqorada Elizabeth II, Amiir Philippe iyo dhammaan reer boqor ayaa la sheegay inay ku farxeen warka ku saabsan dhalashada wiilkan.
Raiisul wasaaraha UK, David Cameron oo isna ka hadlay dhalshada ayaa sheegay in war lagu farxo uu yahay isla markaana dalka oo dhan in ay dadka u dabaaldegi doonaan oo ay u hambalyeyn doonaan lamaanaha.
Siyaasiyiin badan ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Duke iyo Duchess-ka Cambridge.
Wiilkan dhashay galabta ayaa waxa uu noqonayaa qofka saddexaad ee leh dhaxalka Boqoryooyada Britain.
Dad badan oo faraxsan ayaa isugu soo baxay cisbitalka uu ku dhashay wiilkan reer Boqor oo u dabaaldegaya, sidoo kale waxaa dad kale oo badan ay hor tubanyihiin aqalka Boqortooyada iyaga oo ku faraxsan.
Diyaariye:Askar
Gobanimonews.com