(GNA) Warbixinno la sameeyay ayaa muujinaya in 2016-ka Dalka Ingariiska Ilmaha ku dhalan doona intoda badan ay noqonayaan kuwo Aabe la’aan dhashay ama Sharci daro lagu dhalay.
Sanadkii 2012-ka waxay Caruurta aan Guurka ku dhalan tiradoodu Dalka UK gaadhay 47.5%, waxaana lagu wadaa in Tiradaas ay 50% sare usii kacdo 2016.
Xafiiska Tirakobka dhexe ayaa Warbixinno uu helay waxay muujinayaan in Tirada Caruurta ceynkaas ah ay Sanadkii 1938-kii ahayd 4%.
Tim Loton oo Wasiirka Arrimaha Caruurta ka ahaan jiray UK ayaa Dowladda ku booriyay inay Tallaabo u qaaddo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka dhanka Qoyska ka jira si loo dhiiragaliyo Guurka.
Wargeyska Daily Telegraph ayuu Mr Loton u sheegay in Dadku ay Xidhiidhkooda si fudud u badali karaan marka ay yihiin kuwo aanu Guur ka dhexeeyn, isagoo intaas ku daray in Caruurta ay Qoysaskoodu is furan ay inta badan Dhibaatooyin Nafsadeed iyo mid Waxbarashaba la kulmaan.
Dowladda ayuu Mas’uulkan hore kula taliyay inay adeegsado Habka Canshuuraha si ay ugu guuleeysato dhiirigalinta Guurka.
Ra’isul wasaaraha Ingariiska David Cameron ayaa horay Xubno Xisbigiisa ka tirsan kala kulmay Cadaadis la xidhiidha in Guurka la dhiiri galiyo iyadoo taas loo marayo Nidaamka Canshuuraha.
Waxaa soconaya Qorshe Qawaaniin Canshuuro oo cusub lagu sameeynayo, kuwaas oo la filayo in marka la dhaqan galiyo Deeyrta soo socda ka dib inay Sanadkiiba u qoondeeyaan Xaasaska is qaba 150 Giniga Istarliinka ah.
Tirada Dadka is qaba ee Xaasaska ah ayaa 50% hoos u dhacday sida lagu helay Xog la uruuriyay 2011, waxayna ahayd markii ugu horeeysay ee Guurku uu heerkaas gaadho Ingariiska illaa 1801-dii.
Diyaariye:Askar
Gobanimonews.com