Hargeysa(GNA)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa daboolka ka qaaday inaanay Caawa Ramadaan ahayn maadaama aan la arag bishii, sidaasi darteen aan male lagu soomi Karin.
Wasiirka oo Caawa la hadlay Ideecadda Dawlada ee Radio Hargaysa waxa uu Sheegay inaan la arag curashadda bisha Ramadaan isla markaana aan laga soo sheegin dalalka aynu isku Madlaca nahay iyo guud ahaan Duwalka Islaamka.
Sidaa darteed, waxa uu Wasiirku Xusay in la dhamaystirayo Sodonka Bisha Shacbaan oo beri ku buuxsamaya isagoo intaas ku daray in Maalinta Arbacada ay Ramadaan Kow Tahay.
Wasiirku waxa uu ugu baaqay Guud ahaan Shacabka Somaliland inay ka faa’iidaystaan bisha ramadaan isla markaana ay Khayr iyo Acmaal Wanaagsan la Yimaadaan.
Wasiirka diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C.laahi Axmed waxa uu uga digay dadka kariya Xaaraanta maalamaha ramadaanta in laga qaadi doono talaabooyin adag, dawladuna dagaal la gelayso Karinta Xaaraanta.
Guud ahaanba dadka Muslimiinta ah ayaa caawa sugayay Curashada Bisha Ramadaan, waxaanay dadku u dheg iyo dhuun taagayeen aragtida Bisha in la soo sheego, iyadoo ay warbaahinta aad isha ugu hayaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office