Tuesday, July 9, 2013

Stanbul: JSL iyo DFS oo Sharaxay Qodobo Xaasaasiya oo Miiska u yaala iyo Natiijada Shirka Maalintii 2-aad galay


Stanbul(GNA)-Magaalada Istabul waxa maalintii labaad shir uga socda Wufuud kala metelaysa Somaliland iyo somaliya oo wajigii saddexaad ee wadahaladoodu furmay.



Shirka ayaa ka furmay Deman Hutel ee Magaalada Stanbul,waxaana labada dhinac diyaariyeen qodobo tiro oo lagu saleeyay xudunta wadahadalada, kuwaasoo qoloba sida muuqata shan qodob Miiska soo dhigtay.



Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo markii uu dhamaaday kulankoodii maanta oo aan saxaafadda loo ogolayn, warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin dheeraad  ah ka bixiyay nuxurka qodobada ay Somaliland ahaan Miiska wada hadalka la tageen.



Wasiir Xirsi ayaa sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee ay shirkaasi geeyeen ay ka mid tahay inay dawlada somaliya aqoonsato madaxbanaanida Somaliland.



“Qodobada ay Somaliland miiska dhigeen waxa ugu horeeya inay aqbalaan somaliya dib ula soo noqoshadii xoriyada iyo gooni-isutaaga Jamhuuriyada Somaliland oo ay aqoonsadaan, inay somaliya ogolaato oo hanaan sharciya la mariyo wixii dhibaato ay u geysatay dawladii Milateriga ahayd ee somaliya, maadaama dalkiina burburay, dadkana dhibaato badani gaadhay, inay dadkii dhibaatadaa geystay sharciga la horkeeno, qodobka saddexaad waxa weeye intay wada hadaladu socdaan inay dawlada somaliya ogolaato inay Somaliland ula macaamisho sida waddamada kale ee Caalamka, oo aanu qaab macaamil ah yeelano, taasoo ah”Somaliland intaan la aqoonsan inaanu Dariiq ku macaamilno somaliya”.



Xirsi Xaaji Cali Xasan wuxuu intaasi ku daray “qodobka kale ee aanu Miiska dhignay ee Ajandaha ku jirtaa waxa weeye arinta maamulka hawada ee muranku ka taagnaa oo isagana aanu doonayno in muranka laga saaro oo ay Somaliland hawadeeda maamusho, iyo qodobka ugu dambeeya oo ah arinta Kheyraadka dabeeciga ah iyo Maal-gashiga labada dal oo iyagana muran badani ku jiray ayaanu miiska dhignay in laga wada hadlo oo meel laysla dhigo oo muranka laga saaro, qolo waliba waxeeda qaadato oo ku shaqaysato, ayaanu iyadana miiska dhignay.”



Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Somaliya Cabdikarin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wada hadaladani wakhti kasta oo ay qaataan natiijo wanaagsan laga filayo “Arinta wada-hadalku waa arin aan Maalin, shir iyo shirar kooban aan lagu dhamayn karo oo laga yaabo inay wakhti dheer qaadato, laakiinse in la wada hadlo oo wax lays-weydiiyaa ayaa ah arin aad u muhiim ah.”



Gobanimonews



London Office