Hargaysa(GNA)- Xoghayaha gobolka maroodi-jeex xamse ciise cabdi ayaa maanta shan boqol oo qoys u qaybiyey deeq raashin ah.
Deeqdan raashinka ah oo qayb ka ah deeqdii dawladda Turkigu ugu deeqday Somaliland,taasoo hore dalka loo wada gaadh-siiyey, ayaa maanta waxa Xafiiska gobolka maroodi-jeex uu u qaybiyey shan boqol oo Qoys oo ka tirsan degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May, waxaana qaybinta raashinkaas ka qayb-qaatay Xildhibaan Obsiiye ka tirsan golaha wakiillada Somaliland iyo guddiyada degmooyinkaaas.
Xoghayaha gobolka maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi oo ka hadlay deeqdan raashinka ah ee loo qaybiyey shan boqol oo qoys ayaa tilmaamay inaanay deeqdani ahayn midii ugu dambaysay, isla markaana ay filayaan deeqo kale oo dhawaan soo gaadha.
Xoghayaha gobolka maroodi jeex waxa uu sheegay in deeqdani ay ku filan tahay wakhtiga bisha barakaysan ee Ramadaanta.
Qoys walba waxa la siiyay Bushqado isugu jira dhamaan cuntooyinka Daruuriga ah, si ay bisha ramadaanta ugu soomaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office