Monday, July 15, 2013

Banaan-baxyo ka dhacay dalka Maraykanka oo looga soo horjeedo isir-nacaybka iyo go,aano maxkamada Maraykanka kasoo baxay


(GNA) Gobolo kala gedisan oo kamid ah dalka Maraykanka ayaa waxaa shalay (AXAD) ka bilowday mudaharaadyo looga soo horjeedo go’aankii kasoo baxay maxkamada ku taal gobalka Florida oo danbigii ku weyday nin Cadaan ah oo dilay Wiil Madow ah.




Dilka wiilkaasi Madowga ah oo lagu magacaabo Trayvon Martin ayaa si weyn horey u kicisay xiisada la xadhiidha isir-naceybka dalkaasi Maraykanka.
Trayvon Martin. oo 17  jir ahaa ayaa waxaa dilay nin cadaan ah oo lagu magacaabo George Zimmermman, ninkaasi ayaa kamid ahaa illaalada xaafadaha ka shaqeeya, wuxuuna xabad ku dhuftay wiilkan isagoo u maleeyey inuu yahay qof burcad ah, wuxuuna ku dooday inuu wiilkan la dagaalamay.




Balse dadka madow ee ku dhaqan gobalkaasi ayaa sheegay in dil ulla kac ah wiilkaasi loo geystay isagoo aan wax danbi ah gelin.




Baadhitaano kadib waxa ay xaqiijiyeen ciidamada booliska ee gobolkaasi in  wiilka madow ee la dilay aanu  sameynin wax iska cabin ahn balse uu xanbaarsanaa boorso ay ku jirtay macmacaan nacnacyo iyo cabitaano taasina ay keentay in mr Zimmermman uu ku toogtay wiilka isla goobta isagoo uga shakiyay inuu watay hub weerarna ku ahaa nafsadiisa.








Arintaan oo maxkamada ay u saartay gudi baadha oo soo ogaada xaqiiqda dhabta ayaa waxay kasoo saaren in Zammermman uu yahay qof aan danbi ku lahayn falkii toogashada ahaa maadaama uu ahaa qof is difaacayay.




Go,aanka kasoo baxay maxkamada kadib ayaa waxa ka carooday dadka madowka ah ee ku dhaqan dalka Maraykanka waxayna arintu tagtay inay soo fara geliyaan fanaaninta iyo ragga siyaasadaha kaga jira dadka madowga Maraykanka xaaladana ayaa ah mid waji hor ku hogaaminayso shacabka dalka Maraykanka.





Gobanimonews.com