Saturday, July 13, 2013

Warbixin: Al-shabaab oo Noqotay Tusbax Furtay iyo Shangoole oo ka baxsanaya Godane






Cadale(GNA)-Wararka ka imanaya   degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inay halkaasi soo gaadheen Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku Gaashaaman Gaadiidka Dagaalka.




Goob-joogayaal ku sugan Deegaamadaasi, ayaa xaqiijiyay in la arkay Maleeshiyaad ay hogaaminayaan Fu’aad Shongole iyo horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolkaasi Sh. Ciise Kabakudukade, kuwaasoo sida loo malaynayo Fakasho ama baxsad halkaasi ku soo galay.




Todobaadkii hore ayaa la sheegay in Fu’aad Shangoole iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen Maleeshiyaadka Daacadda u ah Hogaamiyaha Guud ee Al-shaabab  Axmed Cabdi Godane, kaasoo khilaaf weyni soo kala dhex-galay Saraakiishan, ka dibna ka soo horjeestay Maamulkiisa.




Wararka iskhilaafsan ee ka soo baxaya Khilaafka Hogaamiyayaasha Al-shabaab, ayaa u muuqda kuwo sii xoojinaya jiritaanka Khilaafka iyo bur-bur soo waajahay dhismaha Ururka Al-shabaab, waxaana dhawaan soo baxayay warar sheegaya in qayb ka mid ah Maleeshiyaadka Ururkaasi ee ku sugan Gobolka Shabeelada dhexe ay isgarabsanayeen Ciidamada Dawlada, isla markaana dagaalo la galeen kuwa taabacsan Axmed Cabdi Godane.




Af-hayeen u hadlay dhawaan Ururkaasi qaybta uu hogaamiyo Hogaamiyaha guud ayaa sheegay in xukun dil ah lagu fuliyay laba sarkaal oo miisaan culus ku lahaa Ururkaasi, ka dib Hanjabaddii Axmed Cabdi Godane ee Bishii hore.




Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Rukumadda Ururkaasi ayaa dhawaan dawlada soamliya isu soo dhiibay, waxaanu firxad ku galay Degmada Cadaado, ka hor intii aan Muqdisho loo soo dhaadhicin.




Dhamaan dhacdooyinka is-xig xigay iyo wararka soo baxaya, ayaa muujinaya in Liciifnimo Milateri oo soo foodsaaray Ururkaasi, inkasta oo ay wali sii socdaan Qaraxyo iyo weeraro ka dhan ah AMISOM iyo dawlada oo ay ka sii wadaan Magaalada Muqdisho oo ay laba sanadood ka hor iskaga baxeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office