Saturday, July 13, 2013

Saraakiisha Milatariga Ee Dalka Masar Oo Ku Soo Eedeeyay Madaxweynihii Ay Talada Wadanka Katuureen Morsi In Uu 2011 Kii Soo Bax Saday Xabsi Uu Ku Xidhnaa Xiligaa.


(GNA) Saraakiil katirsan ciidamada dalka Masar ayaa waxa ay shaaciyeen iney baadhayaan fal looga shakisan yahay madaxweynihii dhawaan xilka dalka Masar laga Tuuray Mohamed Morsi inuu kasoo baxsaday Xabsi uu ku jiray sanadii 2011 oo ay xiliyadaas ka socdeen dalka Masar rabshado iyo qalalaaso aad u baaxad weynaa.




Saraakiisha ayaa maanta waxa ay soo sareen war qoraal ah oo ay ku sheegeen inay baadhayaan arintaan la xidhiidha Morsi iyo 30 kale oo katirsanaa xisbiga Ikhwaanu Muslimiinta dalka Masar waxayna saraakiisha sheegen iney garab ka siiyeen baxsadka uu baxsay Morsi ururka Hamaz ee Palastine.




Xabsi weyn oo ku yaalla kanal Suez ee magaalada Ismailia ayay ku sheegeen saraakiishan inuu ku jiray Morsi waqtigii uu xilka haayay madaxweynihii hore ee dalka Hozni Mubarak waxeyna sheegeen in xiligaasi loo xiray falall lid ku ahaa amaanka guud ee dalka Masar.




Su,aasha haatan taagan ayey ku sheegeen Saraakiisha iney tahay sida uu mar qura kaga soo dhex muuqday masraxa siyaasada dalka Masar ayna ugu suurta gashay inuu xil madaxweyne ka qabto dalka Masar isagoo ahaa danbiile xiligaas ku xirnaa xabsi .




dhanka kale ururka Hamaz ayaa iska fogeeyay eedeymaha losoo jeediyay .




Gobanimonews.com