Saturday, July 13, 2013

Wararkii ugu dambeeyay qarax uu ku dhaawacmay Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu


(GNA) Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax maanta ka dhacay wadada xiriirisa KM-4 iyo Garoonka Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa garaashka Xaaji Dool iyo xarunta UNDP.




Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala bartilmaameedsanayay gawaari ay la socdeen ciidamada AMISOM balse kaligii qarxay ayaa geystay khasaaro kala duwan oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac.




Inta la ogyahay 5ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa tiro ka badan 21-na waa ay dhaawacmeen oo intoodaba ahaa dad rayid ah oo ka ag dhawaa halka uu gaariga ku qarxay, waxaana la tilmaamayaa in gaariga qarxay uu la socday ruux ismiidaamiye ahaa.




Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay uu ku jiro wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah wakiil wareedka Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ah uga warama Magaalada Muqdisho, ayadoona la sheegay in dhinaca garabka uu dhaawac kasoo gaaray wariyaha.




Waxaa la sheegayaa in dhamaan dhawacii ka dhashay qaraxa loola cararay  Cisbitaalada Muqdsiho, ayada oo dhaawacyada ugu badan la geeyay Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.




Qaraxani ayaa ku soo beegmaya  xili lagu gudo jiro Bisha barakeysan ee Ramadan, lamana oga cida ka dambeysa qaraxii maanta ee waxyeeladu geystay.
in kasta oo wararka la isla dhex maraya ay sheegayaa in xarakada mujaahidiinta Al-shabaaba ay sheegatay hadana war rasmiya laga ma hayo xageeda .








 




Gobanimonews.com